Goobaha uu ka dhacay weerarkii Paris iyo saameynta qofka ku nool (Video)

0

Jimcihii waxaa Magaalada Paris ee caasimada wadanka France ka dhacay 6 weerar oo goobo kala duwan laga fuliyey, waxaana la rumaysan yahay inay fuliyeen ilaa 8 qof, waxaana la xaqiijinayaa in ugu yaraan 129 qof ku dhimatay. dhaawacana wuxuu kor u dhaafay 200 oo qof oo 99 xaladoodu khatar tahay. Weerarkan ayaa saameyn ku yeelan karaa guud ahaan dadka ku nool Faransiiska, iyo qaarada Yurub, gaar ahaan dadka qaxootiga ah ama soo galootiga loo yaqaano, waxaana badan doonta adkaynta amaanka, waxaana qofka degaamadaas ku nool u fiiacan inuu feejignaan u yeesho saameynta falkan galaaftay nafo badan oo reer France. Qofka aan shaqo lahayn ee ku nool degaamada dhibtu ka dhacday waxaa u fiican inuu gurigiisa iska joogo inta xaaladu kala degayso oo ciidamada amaanku howlahooda gudanayaan. islamarkaana uu ka foojignaado waxyaabaha ka dhalan kara dhacdadan. GOOBAHA WEERARADU KA DHACEEN IYO HUBKA LOO ISTICMAALAY: 5 weerar waxay ka dheceen degmooyinka 10 iyo 11 aad ee magaalada Paris. waxayna ahaayeen dabley qoryo ku hubaysan oo eegana baararka iyo maqaaxiyaha cuntada iyo masraxa Bataclan concert venue, oo ay ka tumayeen koox Maraykan ah oo la yiraahdo Eagles of Death Metal. Qarax Bambo waxaa lala eegtay garoonka kubadda cagta ee Stade de France oo ku yaal waqooyiga Paris, waxaana ciyaar saaxiibtinimo ku lahaa xulalka qaranka Faransiiska iyo Jarmalka, iyadoo uu daawanayey Madaxweynaha Faransiiska Hollande. MAGACYADA IYO CIWAANADA LA WEERARAY IYO HUBKA LAGU WEERARAY: Bataclan concert venue, 50 boulevard Voltaire, 11th district – waxaa lagu weeraray qori iyo Bam. Stade de France, St Denis, just north of Paris – Waxaa ka dhacay Qarax meel u dhow. Le Carillon bar, 18 rue Alibert, 10th district – Qori ayaa la weeraray. Le Petit Cambodge restaurant, 20 rue Alibert, 10th district – Qori ayaa la weeraray La Belle Equipe, 92 rue de Charonne, 11th district – Qori ayaa la weeraray La Casa Nostra restaurant, 2 rue de la Fontaine au roi, 11th district – Qori ayaa la weeraray. MAP GOOBAHA WEERARKU KA DHACAY map-weerarka-bbc DAAWO VIDEO https://youtu.be/DI5u_NLN6uo ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here