Goodax oo sheegay in kulankii BF ay maanta baajiyeen xildhibaano Shabaab ah

0

Xildhibaan C/llaahi Goodax Bare oo ka mid ah golaha shacabka ee Soomaaliya ahna Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda fedraalka ah oo la hadlayay suxufiyiinta ayaa sheegay inta badan xildhibaanadii maanta dooday ay yihiin kuwa ficilkoodu u adeegayo Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in shacabka looga baahanyahay sida uu yiri in ay iska fiiriyaan wejiyada xildhibaanadii maanta ka doodayay baarlamaanka oo sheegay in ay wakiilo u yihiin Al-shabaab.

Isaga oo caro badan ay ka muuqato ayaa Xildhibaan Goodax Barre wuxuu farta ku fiiqay Xildhibaan dhinaciisa maraayay oo uu ku sheegay in Shabaab uu ka mid yahay.

“Wakiilo Shabaab, ayaa Baarlamaanka dhex jooga, Shabaabka wuxuu rabay in Baarlamaanka fowdo ka dhacdo, dad sheeganaya Xildhibaano waad arkeyseen meesha waxa ay ka sameeyeen” ayuu yiri.

Wuxuu intaas kusii daray ” Shacabka Somaliyed waxaan u sheegayaa wajiyada aad maanta halkaan ka aragteen inaad si fiican u fiirisaan waa Shabaab.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre.

Wasiirka ayaa sheegay in xildhibaanaddaasi oo ah ku dhawaad 40 Mudane ay Shabaab wakiil uga yihiin Golaha Shacabka.

Waxaa uu sheegay in aan loo dulqaadan doonin in Fowdo laga sameeyo xarunta Golaha Shacabka xilli ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiintii Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Kulanka golaha shacabka ee maanta waxaa lagu weday in su’aalo dhinaca amniga ah lagu weydiiyo Wasiirada amniga Gaashaandhiga iyo taliyaasha ciidamada qalabka sida hase ahaate waa uu baaqday kadib buuq hareeyay kaas oo ka dhashay dood ku saabsaneyd in Warbaahintu ay ka qeybgasho kulanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here