Gormaa Ayey Shirkada DP-WORLD Iyo Madaxweyne Gaas Si Rasmi ah uu Wada Saxeexayaan Heshiiski Wareejinta Dekada Bosaso?

0

  Bosaso (Goojacade.com) Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaradka Carabta ayaa ku dadaallaysa sidii loogu wareejin lahaa dekedda magaalada Boosaaso ee Puntland. Waxaa hadda Gaba-gaboobay qorshe ay dowladda Imaaradka Carbta ku raadinayso sidii shirkadda DP World loogu wareejin lahaa dekedda muhiimka ah ee ku taalla magaalada Boosaaso.     Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dalka Imaaradka Carabta u tagay 15/3/2017 Saxiixida Heshiiska Wareejinta dekedda Boosaaso Ee Uu Dhaxeeyey shirkadda DP World iyo Dowlada Puntland Sida Ilo -wareedyo Xog Ogaal ah Uu Sheegayaan Goojacade News. Shirkadda DP World iyo Puntland midkoodna wali kama aysan hadlin wada-xajoodka socda ee ay shirkaddu ku dooneyso inay kula wareegto dekedda Boosaaso. Qorshahan cusub ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan shirkadda DP World ay ka saxiixatay maamulka Soomaaliland heshiis muddo soddon sanno ah oo ay ku maamulli doonan dekedda Berbera,heshiiska buuq badan ayuu dhaliyay,laakin maamulka ayaa doonaya hirgal inuu noqdo. Goojacade.com Bosaso-Puntland Soomaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com  ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here