Guddigii xaqiiqo raadinta oo indhahooda kusoo arkay xad-gudubka Kenya (Sawirro)

0

Guddoomiyaha guddiga difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyo gudoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in ay marqaati ka soo noqdeen xadgudub cad oo ay Kenya ku sameysay xuduuda dalkeena. Waxay caddeeyeen in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay u istaagaan sidii ay uga hortegi lahaayeen xadgudubyada dhuleed ee dowladda Kenya ka wado xuduudka Soomaaliya. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in guddigaan ugu warbixin doona baarlamaanka iyo xukuumadda waxyaabihii ay ku soo arkeen degaanadii ay booqdeen. Wasiirka Gaashaandhiga Jen. C/qaadir Diini ayaa sheegay in Kenya ay ku soo xadgudubtay dhulka Soomaaliyeed taasoo aan loo dulqaadan karin xadgudubka heerkaasi gaarsiisan ee ay Kenya ka wado xuduuda kala qeybisa labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa isna sheegay in dadkii ay kusoo arkeen deegaanadii ay booqdeen in ay ku weyn tahay Soomaalinimada, isla markaana ay u baahan yihiin Dowlad Soomaaliyeed oo ka hor istaagto dhibaatada lagu haayo iyo xadgudubyada dhuleed ee Kenya. [gallery td_select_gallery_slide="slide" td_gallery_title_input="Gudiga Xaqiiqo Raadinta Xuduuda" ids="4192,4193,4194,4195,4196,4197,4198,4199"]]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here