Guddoomiye Taabid “Magac Banaadir oo la bedelay ma jiro”

0

May 07 (goojacade)— Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa markii u horeysay arrinta magaca Banaadir ee xarfihiisa is bedelka lagu sameeyay, isagoo meesha ka saaray in haba yaraatee wax is bedel lagu sameeyay. Bishii hore ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir lagu faray waaxyaha kala duwan dowladda Hoose in wixii ka dambeeya ay magaca Banaadir lagu bedelay Benaadir, taasoo dad badan doodo iska soo horjeedo ka keeneen xaraf bedelkaas, iyadoo meelaha dadka ay aad uga hadal hayeen ay ka mid aheyd baraha bulshada oo siyaabo kala duwan looga hadlay xaraf kala bedelidaas ee BA iyo BE Guddoomiye Taabid oo xalay ka qeyb galay barnaamijka Dood Wadaag ee ka baxa Telefishinka Universal ayaa sheegay in magaca Banaadir ee “BA iyo BE” qof walba oo muwaadin ah uu u qoro karo siduu doono. “Wax magac Banadir oo la bedelay ma jiro aslanba, qofka muwaadinta ah Magaca BA ama BE, ha u qoro, kaliya waxa hada jawaheerka ka jiray oo umadda aysan fahmin waxay rahay arrimaha maamulka, si loo joogteyo waxay u baahan tahay wixii horay loo isticmaali jiray ee ku qornaa nuquladii iyo shuruucdii soo bilowday si ana u joogteyno oo xafiiska loo isticmaalo”ayuu yiri Guddoomiye Taabid. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka hadlay qorshayaasha maamulkiisa, isagoo xusay inay qaadi doonaan tallaabooyin lagula xisaabtami doono cid kasta oo mas’uuliyad heysa, heer degmo illaa heer gobol, waxaana uu tilmaamay in musuq maasuqa uu qeyb ka yahay waxa ay la dagaalamayaan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay qorshaha amniga, isagoo xusay in ahmiyada koowaad uu u yahay amniga, isagoo ka dhawaajiyay in dhowaan ay soo bandhigi doonaan qorshaha amniga Caasimada, iyadoo la dhisi doono Guddiga Amniga Gobolka Banaadir iyo Guddiyada amniga heer degmo. Waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu diirada saari doono sidii uu uga shaqeyn lahaa is dhex galka bulshada, isla markaana kalsoonida shacabka kasban doonaan, iyagoo xoojinaya adeegyada bulsho ee aas aasiga ah. Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Taabid Cabdi Maxamed oo horay u ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya u fadhiyay Mareykanka ahna Qunsulka Guud ee Washington loo magacaabay xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho.
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here