Gudiga Nabadeynta Taleex oo Qurbejoogta Qoysaskii dagaalamay ku eedeeyey hurinta colaada Taleex

0

Og: Garaadka Guud ee Maxamuud Barri Garaad Saleebaan Garaad Maxamed. Og: Shacabka SSC. Ku: Beesha Nuur Axmed Ujeedo: Cadeyn Kaalinta qurbejoogta Qoysaska Faarax Cali iyo Samakaab Cali ku leeyihiin Colaada Taleex. Anagoo ah Gudiga Nabadeynta iyo midaynta Beesha Nuur Axmed ee qoysaska kale ee Nuur Axmed u xilsaareen in soo diyaariyaan sidii xal looga gaari lahaa mashaqada qoysaska walaalaha ah ku dhexmartay magaalada Taleex, oo bilihii ugu dambeeyey ku hawlanayn xal raadinta. Kadib markii aanu derisnay sabaha colaadan xal looga gaari waayey. Kadib markii aan xiriiro badan la sameynay Qurbojoogta labada Beelood. kadib markii aan u kuurgalay kaalinta ay Qurbajoogta labada beelood ku leeyihiin Fitnada iyo Colaada ka aloosanTaleex. Waxaan Ogaanay inay Qurbajoogta labada beelood ay kaalin mug leh ku leeyihiin dhibaatada degi la’ ee Taleex ka taagaan, iyagoo caqligoodii iyo muruqoodiiba u isticmaalay dhanka xun. Qurbajoogto waxay Colaada kaga qayb qaataan: Dhaqaale bixin. Hub iibin. Gubaabo iyo nacayb abuur. Ishortaag in nabadgelyo la gaaro. Marmarsiin iyo geed ku xoqasho joogto ah. Qurbajoogtan oo caruurtoodii iskuulo iyo Jaamacado ugu jiraan waxay dhibaato ku hayaan shacabkii iyo degaankii ay ka soo jeedeen iyo caruurtii dadkii degaanka oo iyagu ah kuwa dhimashada iyo colaadu saameynayso. Hadaba waxaan qurbajoogta labada beelood ugu baaqaynaa inay joojiyaan wax kasta oo ay kaga qayb qaadanayaan hurinta colaada, oo ay nagala shaqeeyaan sidii aan xal iyo nabadgelyo ugu soo dabaali lahayn degaankeenii oo aad ogtihiin dhibaatada maanta ka taagan. Waxaa ceeb ah in nin dadkiisii iyo degaankiisii ololayo oo gaas ku sii shubayaa uu ka hadlo goleyaasha ama shirarka iyo fadhi ku diriryada. Waxaan labada beelood ee walaalaha ugu baaqaynaa in aanay ogolaan in nin caruurtiisii iyo reerkiisii nabadgelyo iyo barwaaqo ku jiraa uu caruurtiina isku dilo, idina barakiciyo . Waxaan todobaadka soo socda dalka u soo diri doona gudi qaban qaabo oo idin kala shaqeysa abaabulka sidii nabadgelyadii iyo walaaltinimadii loo soo celin lahaa. FG: qofna laga ogolaan maayo inuu nabadgelyada degaanka siduu doono ka yeelo, waxaa beesha Nuur Axmed si midaysan farta ugu fiiqi doonaa cidkasta oo ay caqabad u arkaan. WABILAAHI TAWFIIQ. Gudiga Nabadeynta iyo Mideynta Taleex]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here