Gudiga qabanqaabada shirka maqaarsaarka ah ee Maxamuud Barri oo Hargeysa laga urursaday

0

Wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo beryahanba ku hawlanaa hirgelinta shir maqaarsaar ah oo magaalada Awrboogays lagu qabto, kaas oo la sheegay inuu dhexmari doono Xukuumada Somaliland iyo Beesha Maxamuud Barri ee Dhulbahante ayaa habeenkii xalay magaalada Hargeysa ka urursaday dad ay ugu yeereen gudiga Qabanqaabada shirka Maxamuud Barri iyo Xukuumadda Somaliland. Dadkan loo urursaday sidii isxambaarkii Xildhibaanada oo kale ayaa ah kuwo aan wax saameyn ah ku lahayn shacabka Maxamuud Barri, laakiin ay u geysay caalwaa iyo dani. Gudigan oo ka kooban 14 xubnood ayaa la sheegayaa in horjooge looga dhigi doono mid ka mid dilaaliin ku caan baxay gadista dadka, waxaana la filayaa in maalinta berito ah ay u kala ambabaxaan degaamadii loogu talo galay inay ka hawlgalaan. Ololahan ayaa aasaas u ah sidii degaamadaas cod looga heli lahaa, maadaama ay fooda inagu soo hayaan doorashooyinkii Somaliland. Isku soo wada shacabka shacab SSC wuxuu wada ogsoon yahay in Xukuumada Kulmiye uu waqtigeedii dhamaaday oo bilo tirsani u hareen, sidoo kale waxaanay halmaami doonin abaalkii ay u dhigatay oo ah mid aan wanaagsanayn.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here