Gudigii xildhibaanada ee wadahadalada mooshinka oo shuruud ku xiray wada-xaajoodka

0

Xidhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shardi ku xiray wadahadalka ay ka geli doonaan mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo sheegay inaysan aqbaleynin wakiilashada uu madaxweyne Xasan Sheekh u xil saartay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid inuu u metelo wadahadalka mooshinka, waxayna sheegeen inuusan jirin wax hadal oo ay la galayaan Ra’iisal wasaaraha, isla markaana aanay jirin dhibaato dhex taala xukuumadda iyo Baarlamaanka. Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ay si cad ugu sheegeen, ayaa ku cadaadinaya xildhibaanada in marka hore ay bilowdaan wadahadalka haddii loo baahdana uu Madaxweynha ku soo biirayo. Xildhibaan C/raxmaan Xooshi oo ka mida guddiga xildhibaanada Mooshinka ayaa sheegay inay ku gacan seyreen wakiilka uu sameystay madaxweynaha.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here