Gudoomiyaha baarlamaanka oo sheegay in la soo af jaray mooshinkii madaxweynaha

0

Kulankii looga hadlayay Mooshinka Xildhibaanada qaar ay ka keeneen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in la soo gabagabeeyay oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan jawaari iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta ka dhacay Muqdisho. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa Xusay in asaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay Sixitaan badan ku soo sameeyeen Qodobadii Mooshinka ku xusnaa, waxaana uu Xildhibaanada ka hor akhriyay Guddoomiyaha Qodobada Sixitaanka ay ku sameeyeen, asagoo Xusay in Xildhibaanadu ay ku Qanceen. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta halkaa lagu soo Afmeeray Mooshinkii mudooyinkaan taagnaa oo Xal laga gaaray Xildhibaanadii keenayna laga qanciyay. Dhanka kale Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu Afduubay Xildhibaanadii Mooshinka keenay ee uu ka midka ahaa islamarkaana aysan Waafaqsaneyn sida wax loo maareeyay. Mooshinkan oo ilaa Bishii Agoosto ee sanadkan soo taagnaa ayaa wuxuu qilaaf ka dhex abuuray Hay’addaha kala duwan ee Dowladda iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here