Gudoomiyaha baarlamaanka oo soo xiray kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka

0

Guddoomiyaha Golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa si rasmi ah gelinkii danbe ee usoo xiray kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka oo mudo dheer soo socday, iyadoo xildhibaanada mudo bil ah geli doonaan. Ka hor inta uusan soo xirin fadhiga 7aad ee baarlamaanka ayaa wuxuu mudo u qabtay xukuumadda in barnaamijkeeda shaqo oo faah faahsan ku hor keento baarlamaanka 15-ka April. wuxuuna Guddoomiyaha sheegay in xildhibaanada ay aadi doonaan Gobolada ay kasoo jeedaan si ay Warbixino uga keenaan xaaladda goboladaasi. Dhinaca kale Guddoomiye Jawaari ayaa guddoomay billad sharaf ay guddoon siisay akadeemiyad caalami ah oo fadhigeedu yahay dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo “Giuseppe Pitre”, wuxuuna ku mudeystay howlkarnimada uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeegay. Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka oo munaasabadda ugu horeyn ka hadashay ayaa tilmaantay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ay guul u tahay billad sharafta ah akadeemiyadan caalamiga ah u soo garatay Guddoomiyaha Baarlamaanka islamarkaana uu ku muteystay howlkarnimadiisa. Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana ah musharaxa biladda Nobel Peace Price Prof. Cusmaan Dufle oo ay akadeemiyadda Giuseppe Pitre usoo wakiilatay guddoonsiinta biladdan ayaa tilmaamay in akadeemiyaddan ay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya u garatay bilad sharafta kadib markii uu muujiyey howlkarnimo uu wax ugu qabtay dadkiisa iyo dalkiisa. Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo ugu dambeyn munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad celiyey akadeemiyadda Giuseppe Pitre ee dalka Talyaaniga garashada ay u soo garteen billad sharaftan islamarkaana uu ku guddoomayo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay marqaati u tahay howlqabadka ay muujiyeen.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here