Gudoomiyaha Banaadir oo soo dhaweyn u sameeyey ciyaartooydii JEEM CUP

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Xalay Xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey Cayaaryahanada da’doodu ay ka hooseyso 11-jirka islamarkaana dalka Soomaaliya u matalayay Koobka Iskuulada Jaamacadda Carabta. Kubadda cagta ee (Jeem Cup) kaasi oo loo qabtay da’yart ku kala nool Wadamada ku jira Ururka Jaamacadda Carabta, waxaana sanadkani lagu qabtay Magaalada Doha ee Wadanka Qatar. Guddoomiyaha Gobolka ayaa dhiiri galiyay Cayaartooyda da’da yar ee Guusha iyo Magaca intaba ka soo hooyay Koobkii ciyaartii koobka ee lagu qabtay wadanka Qatar, wuxuuna sheegay in Cayaartooydani ay yihiin kuwo Mustaqbal ifaya ku dhex leh Ummadda Soomaaliyeed,waxuuna kula dar daarmay in ay halkaa ka sii wadaan Dadaalka ay Muujiyeen iyo Jacelka ay wadankooda u qabaan. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagana ciyaartooydani shalay ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ka hor intii uusan u duulin magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here