Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo aad u cambaareeyey lacagta Faalsda ah ee Maamulka Puntland samaynayo

0

Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa si weyn u cambaareeyey lacagta Shilin Soomaaliga ah ee Maamulka Puntland sida Sharcidarada ah ugu daabacayo gudaha degaanadaas. Lacagtaas oo Gudoomiyuhu ku tilmaamay mid cawaaqib xumo u horseedaysa Guud ahaan Soomaaliya Gaar ahaana Shacabka Puntland. Waxaana durba degaanadda Puntland laga dareemayaa Sicir-barar ku yimid lacagta Soomaaliga ah. Waxay arintani kusoo beegmaysaa Xilli uu Puntland Madaxweyne ka yahay Professor xagga dhaqaalaha iyo shuruucda lacagaha wax ka yaqaan. Waana sababta dadbadani ula yaaban yihiin sida uu ugu dhiiraday samaynta lacag been abuur ah. Daawo hadalka Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya [video width="480" height="360" mp4="http://goojacade.com/wp-content/uploads/2015/09/IMG_0904.mp4"][/video]]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here