Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Xaliimo Yarey oo Dhuusamareeb gaartay

0
gg doorashooyinka xaliimo yarey

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa maanta gaartay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleeyada Galmudug.

Xaliimo Yarey ayaa waxaa socdaalkan ku wehelinaya xubno ka tirsan guddiga qaran ee doorashooyinka, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Ujeedka safarkeeda ayaa sidoo kale salka ku haya sidii ay kulamo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ula qaadan laheyd madaxda ku sugan magaaladaasi.

Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda shirar looga hadlayo xaaladda dalka iyo sidoo kale doorashada waxaana ku ballansan madaxda dowladda iyo kuwa maamullada dalka.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ku jirta marxalad kala guur ah.

Si kastaba ha ahaatee dhowaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa shaaciyey in aysan dalka ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah, loona baahan wadatashi guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here