Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed Belgium Oo La Kulmay Madaxweynaha Finland , iyo Masuuliyiin Kale

0

 Mudane Maxamed Cawed Cabbas, oo socdaalo kala duwan ku maray qaar ka mida jaaliyadaha qaarada yurub, Oo maanta ku sugan Magaalada Helsinki ee caasimadda dalka Finland ayaa halkaasi kula kulmay, Madaxweynihii 12 sano u danbeyey Dalka Finland Mrs, Tarja Halonen. Iminkana ah mas’uul Qaramad midoobay (Third Global Countries EU) iyo Duqa Magaalada Mayor of the Helsinki- Vantaa Mr. Antti Lindtman. oo ay ka wada hadleen xiriirka Finland tan Beesha caalamka iyo dalka Somaaliya. Mudane Abbas iyo Madaxweyne Tarja Halonen ayaa ka hadlay iskaashiga xagga Nabad gelyada, xiriirka Diblomaasiyadeed (The Diplomatic) ee Beesha Caalamka iyo Dowlada Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya , xoojinta la dagaallanka Qabyaalada, Argagixisada, Jahliga iyo arrimo kale. Waxa sidoo kale Gudoomiyaha Qaranka Somaaliyeed Belgium (Beneluxe) Muddane Abbas, uu aad dhaleceen xoog leh u soo jeediyey, Midowga Afrika , Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Wadamada Ururka Jaamacada Carabta (Arab League), Norwey, Denmark , Zweden, iyo Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka. Dhamaan Qaramada Midoobay, in ay ka jesteen sanadadii u denbeeyey xaalada Guud dhinac kasta ay ka fileysay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) Chairman Somali Community Benelux Muddane MA.Abase, ayaa inta uu ku suganaa wadahadalka Mrs, Tarja Halonen, Hogaamiyaha (leader on refugee agency Third world countries in Europe) Shirkaas oo saacado qaatay dalka Finlad waxaa uu diiradda ku saaray arrimo dhowr ah oo Mustaqbalka Beesha Caalamka iyo Somaaliya khuseeya oo ay ugu horreyso arrinta la shaqeynta Dowlada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) Madaxweyne Mohamed Abdulaahi Mohamed (Farmaajo) xaga Nabadgelyada ,iyo Dhaqaalaha (Security, and economic fields)   Iyo in beesha caalamka (International Community & United Nations) iyo dhamaan inta daneysa arrimaha Soomaaliya gaar ahaan , Dalka Finland iyo Midowga yurub, Finland and the European Union. Aysan ku kadsoomin hadalka kasoo yeeray Maamulka Waqooy Somaaliya oo ah hadal khilaafsan rabitaanka bulsho weynta Soomaaliyeed iyo wada Jiritaanka Dadka iyo Dalka Somaaliya, aragtidaas iyada ah oo ay Aaminsan yihiin qabiil qura. Aragtidan qabiil ee degaamada waqooyiga Galbeed Somaaliya, oo ah mid dhinac maraya heshiskii ergadii Soomaaliyeed ee ka qeybgashay shirkii Mideynta Qaranimada Somaaliya July 1, 1960.   Intaa ka dib waxaa halkaa ka hadlay si shucuuri ka muuqato. Mrs, Tarja Halonen waxay ku celcelisay in Saaxiibada caalamku in mar kale ku celinayaan ballan-qaadkooda ay ku taageerayaan geedi-socod Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) oo Maanta 100% Beesha caalamka iyo shacabka dalku lagu kalsoonyahay. Waxaa loo baahanyahay in dadaallo dheeraad ah lagu bixiyo sidii lagula dagaallami lahaa qabyaalada, musuqmaasuqa , loona xoojin lahaa Mideyn mida oo Qaranimo. Saaxiibada caalamku waxay garowsadeen in jawiga u diyaargarowga la shaqeynayaa dhinac kasta   (Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya) Dowladan oo duurashooyinkii hore ee somaaliya uga duwan shucuurta iyo kalsoonida ay ku qabaan shacabka somaaliyeed waana mid siisay Beesha caalamka kalsooni Buuxda. sidey hadalka u dhigtay Madaxweyne hore Dalka Finland iminkana ah masuul QM Mrs, Tarja Halonen.   Dhinaca kale waxay isla soo qadeen Muddane Abbas iyo Gudoomiyaha xisbiga SDP Barlamanka Finland Ahna Duga Magaalada Helsinki-Vanta Mr. Antti Lindtman, Dowlada Finland waxaan idin kugu baaqayaa inaad mar walba ku dadaashaan taageerada aad siinaysaan Dowldda cusub, curdunka ah ee Soomaaliya, si ay lugaheeda ugu istaagto oo ay u gaarto hormaro hiigsi iyo ujeedo sare leh. kana qeyb qaadataan Gurmadka Abaaraha ka jira dalka. Ugu Danbeyntii Gudoomiyaha Jaaliyada Qaranka Somaaliyeed ee Belgium (Benelux) Mudane Mohamed Awed Abbas, wuxuu mahad u celiyey soo dhaweynta qiimaha lahayd ee u kala kulmay xafiiska sare Qaramada Midoobay Finland Mrs, Tarja Halonen iyo Gudoomiyaha Barlamanka xisbiga SDP Mayor of the Helsinki- Vantaa Mr. Antti Lindtman. Dhamaan Mas’uuliyiinta dowlada Finland. Iyo inuu salaan qiimo iyo wadashaqeyn leh ka Garsiindoono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Muddane Mohamed Abdulaahi Mohamed. shacabka somaaliyeed reer Belgium (Benelux) Iyo dhamaan Mas’uuliyiinta qaranka, shacabka somaaliyeed.     Goojacade.com Nairobi-Kenya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com  

 ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here