Gudoomiyaha WADDANI ee Gobolka Sool oo baaq u diray Xubnaha danaynaya Doorashada Wakiilada SL

0

Gudoomiyaha Xisbiga ee Waddani ee Gobolka Sool Cabdi Yuusuf ismaaciil (Cabdi Dheere) oo la hadlay Shebekada xaysimo.com ayaa sheegay in Xisbigoodu uu haysto taageerada ugu balaadhan ee shacabka Gobolada Sool iyo Xaysimo, taas oo keentay inay Xaruntii 2aad ka furtaan Laascaanood, si loo sii fududeeyo xidhiidhka shacabka iyo Xisbiga, isagoo intaas ku daray inay sii badin doonaan xafiisyada ay gobolka ku leeyihiin. Gudoomiyuhu wuxuu dhaliilay Xisbiga Kulmiye oo uu sheegay in 5 sano ee ay talada hayeen aan laga helin waxqabadkii gobolku ka filayey, marka laga eego dhinacyo badan. Cabdi Dheere ayaa sheegay in haddii Waddani guuleysto uu xooga saari doono waxqabadka degaamada Barriga, islamarkaana ay sulux iyo wanaag ku dhameyn doonaan khilaaf kasta oo degamadaas ka jira. “Xisbiga Waddani iyo Gudoomiye Cirro waxaa ka go’an inay wanaag iyo is afgarad caqli ku dhisan ku xaliyaan kala duwanaansho kasta oo ka jira Barriga Somaliland” ayuu yiri gudoomiyuhu. Gudoomiyaha ayaa xubnaha hungurigu ka hayo inay isu sharaxaan doorashada Golaha wakiilada Somaliland ee soo socota ugu baaqay inay Gobolka iyo degaamada yimaadaan oo ay kasbadaan taageerada iyo kalsoonida dadweynaha, isagoo sheegay in nin aan taageerada degaankiisa haysani aanu qalqaalo waxba ku helayn. “Waxaan Xubnaha ka soo jeeda Gobolka Sool iyo xaysimo ee doonaya inay ka qaybqaataan doorashada wakiilada Somaliland, u sheegayaa in la gaadhay xiligii ay iman lahaayeen degaanka oo kasban lahaayeen taageerada iyo kalsoonida shacabka, oo aanay waqtigooda ku dhameyn Xarunta Hargeysa, waana dhamaatay waqtigii qalqaaladu, waxaa loo gudbay waqtigii lagu kala hadhi lahaa taageerada iyo kalsoonida aad degaankaaga ka haysatid. Xisbiga WADDANI wuxuu xooga saarayaa rabitaanka shacabka, wuxuu texgeliyaa musharaxii haysta kalsoonida iyo taageerada dadka iyo degaanka. Xubin kasta oo is sharaxaysa waxaan uga baahanahay inay muujiso taageerada ay degaankeeda ka haysato oo dhab ah, oo xisbigu ku xisaabtamo. ” ayuu yiri gudoomiye Cabdi Dheere. Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Waddani ee Gobolka Sool ayaa si gaar ah ugu mahadnaqay xubno uu sheegay inay ka qaybqaateen hawsha balaadhan iyo horumarka Xisbigu ka sameeyey Gobolka Sool iyo xaysimo.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here