Gudoomiyaha Waddani ee Sool oo Wasiirka Arimaha Gudaha Faratoon dhulka ku jiiday

0

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Waddani ee Gobolka Sool Cabdi Yuusuf Ismaaciil ayaa dareen adag ka muujiyey hadal shacabka Somaliland u arkeen qadaf iyo meel ka dhac Dimoqraadiyada Somaliland oo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Yaasiin Faratoon) ka jeediyey Magaalada Gebilay, kaasoo Faratoon ku cadeeyey in Ethiopia ay wadato Musharax Muuse Biixi Cabdi, taas oo Cabdi dheere ku tilmaamay inay meel ka dhac ku tahay rabitaanka shacabka Somaliland, Qarannimadooda, islamarkaana ay iyaga ka godo cida ay hogaanka u dhiibanayaan. Wasiir Yaasiin Faratoon ayaa sheegay inaan Somaliland doorasho u baahnayn ee Xilka Muuse Biixi lagu wareejo, taas oo Gudoomiye Cabdi Dheere kaga jawaabay Faratoon muduu wadanka ka maqnaaye Dimuqraadiyada Somaliland laguma qiimeeyo dhowr qof oo meel isugu soo baxay ee waa habka qof iyo cod (One man one vote), wuxuuna hadalka wasiirka ku tilmaamay qiimeyn xumo iyo xog la’aan oo wadanka ka qabo Cabdi dheere oo ka jawaabaya hadalkii Wasiirku ku sheegay in dadkii shalay Gebilay ku soo dhoweeyey ay la mid yihiin dadkii uu xajka ku arkay, ayuu yidhi «berigii Faratoon la magacaabay mar uu Faratoon ka hadlayey qado sharaf Hotel loogu sameeyey oo ilaa 40 qof isugu yimaadeen wuxuu Wasiirku yidhi dadkan oo kale ma arag oo waan qiiraysnahay, tii shalayna taas bay la mid ahayd oo wasiirku wixii 20 qof ka badan wuu qiirooda, markaa hadalkii shalay hadal qiiro ayaan odhanaynaa, wixii soo dhoweeyey waxay ahaayeen shaqaalihii dawlada, dadkii Xisbiga ee Hargeysa ka baxay iyo kuwii gebilay, Cabir iyo qiimeyn xumadii aan wasiirka horey ugu tilmaamay uun baa tana sii xoojinaysaa» Gudoomiyaha Cabdi Dheere ayaa sheegay in Wasiirka Arimaha Gudaha Faratoon iyo hadalkiisu ay marag u yihiin ayaandarada Somaliland haysata ee u baahan in isbedel laga sameeyo, isagoo sheegay in Gobolkii Sool ee Wasiirku ka soo jeedo amaankiisii faraha ka baxay oo uu ku fashilmay. DAAWO HADALKII FARATOON: https://youtu.be/wRKcY3UMzb4]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here