Gudoomiyahii Barlamaanka maamulka Hirshabeele oo la doortay

0

Baarlamaanka Maamul goboleedka Hirshabelle ayaa goordhaw magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhaxe waxa ay ku doorteen Gudoomiyaha uu yeelanayo Baarlamaanka Maamulkaasi. Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabell7e waxaaku tartamayay labo Musharax oo kala ah Abuukar Xasan Cali (Maqaney) iyo Sh Cismaan Barre, waxaana doorashada ay aheed mid aad u xamaasad badneed oo lagu kala baxayay wareega koowaad. Sida ay Shaaciyeen guddiga Doorashada Baarlamaanka maamulka Hirshabelle waxaa ku guuleestay Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle Musharax Sh Cismaan Barre oo helay codad gaaraya 61 cod halka Musharaxa laga guuleestay uu isna helay codad gaaraya 28 cod. Goobta Doorashada ka socotay waxaa ku sugan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawarai, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya. Waxaa goordhaw la filayaa Hoolka in ay ka bilaato Dooarshada Gudoomiye kuxigeenka koowaad iyo kan labaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, waxaana xilalkaasi iyana ku tartmaya dhoor musharax.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here