Guurkii Idris Elba iyo Sabriina oo niyad jab ku abuuray gabdho badan

0

Idiris iyo Sabrina Dhawre ayaa arooskoodu dhacay maalintii Jimcaha ahayd. Arooska ayaa ka dhacay Huteelka Mandarian Hotel oo ku yaalla dalka Morocco.

Jilaaga caanka ah ee guursaday Sabriin Dhawre, Idris Akuna Elba oo u dhashay dalka Britain wuxuu dhashay 6-dii September 1972-kii wuxuuna ku dhashay magaalada London.

Jilaagaan ayaa la aaminsanyahay inuu niyadda ka jabiyey malaayiin gabdho oo ku kala nool daafaha dunida ka dib markii uu la aqal galay gabadh Soomaali ah.

Sawirada lammaanahan oo baraha bulshada qabsaday ayaa waxa ka falceliyey dumar badan oo sheegay inay tani ku tahay niyad jab maadamaa ay jeclaayeen ninkan oo lagu tilmaamay inuu yahay nin aad u sii jiita dumarka haddana uu noqday nin qoys leh.

Dumar badan ayaa fariimo ay soo dhigeen baraha bulshada ku muujiyey dareenkooda, qaar ka mid ayaa yiri, “Waxaan u malaynayey inaad aniga I dooran doontid balse dhibmalahan”.

“Dareen ahaan diyaar uma ahayn inaan warkaan maqlo, balse lammaanaha waan u hambalyeynayaa”.

“Wadnaha ayaa I istaagi gaaray markaan maqlay warkaan, aad ayaan u niyad jabsanahay.”

Aabbihii wuxuu ka soo jeedaa dalka Sierra Leon, Hooyadiina dalka Ghana, waxayna isku guursadeen dalka Sierra Leone kaddibna waxay u soo hayaameen Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Idiris wuxuu dugsiga sare ka baxay 1988-kii wuxuuna shaqadiisi ugu horreysay uu ka billaabay huteellada habeenki lagu caweeyo isaga oo DJ ahaan ku shaaqeeynaya isla-markaana heeso halkaasi ku soo bandhigayey.

Idiris wuxuu caan ku yahay jilidda filimaanta, DJ, Soo saaridda filimaanta iyo qaadidda Heesaha raabka.

Marxaladihi Guur uu Idris soo maray

Idris Akuna Elba wuxuu guursaday seddex jeer:

1) Xaaski ugu horreeyey uu guursaday waxay ahayd ‘Kim Norgaard’ wuxuuna qabay 1999-kii ilaa iyo 2003-dii waxayna u dhashay laba caruur ah.

2) Xaaski labaad uu guursadayna waxay ahayd ‘Sony Nicole Hamlin’ sanadki 2006-dii (wuxuuna qabay 4 bilood oo keli ah)

3) Xaaska seddexaad uu guursadayana waa Saabiriin Dhawre oo Soomaali ah, guurkiisa seddaxaadna wuxuu iclaamiyey 10-ka Bisha Fabraayo 2018-ka balse waxay si rasmi ah iisu guursadeen April 26, 2019-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here