Guurtida Somaliland oo muddo kordhin u sameeyay Aqalka Wakiillada

0
Golaha Guurtida Somaliland ayaa Muddo kordhin sagaal bilooda ah u sameeyay Golaha Wakiilada ee Somaliland oo dhawr jeer oo hore loo kordhiyey Kuraastana fadhiyey tan 2015-kii

Doorashada Barlamaanka ayey u mudeeyeen inay qabsoonto Bisha Decembar ee Sanadka 2019-ka, haddii alle laga helo.

Golayaasha Degaanka ayaa laga reebay Muddo kordhintan,waxaana suurogala in Muuse Biixi ku keliyeysan doono mudeyntooda, Islamarkaana kala diro kuwan hadda jooga, Magacaabana Maayaro, ku-xigeeno & Xog-hayayaal ka socda Xisbiga Kulmiye, Taas oo fursad u siinaysa in Kulmiye ku keliyeysto Boobka & Xaraashka Hantida Ummadda, Inta kalena daadku u qaado.

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here