Hadalhaynta Kabelka Higlada oo ku fiday goobaha fadhi ku dirirka iyo Falanqaynta Hargeysa

0

Hadalhaynta Kabelka Higlada ee duleedka Laascaanood ayaa maalmihii ugu dambeeyey si weyn ugu fiday goobaha fadhi ku dirirka iyo falaqaynta siyaasada ee Magaalada Hargeysa. Horjoogsiga Kabelka Internetka ee degaanka Higlada lagu horjooga ayaa shaashada laga daawanayey shacabka Gobolada SSC oo si weyn uga qaylinaya. Kabelkan waxaa leh Ganacsato reer SSC ah, oo ka faaiidaysatay Heshiiskii Awrboogays iyo Adhicadeeye oo ku baaqayey in si xor iyo xalaal ah loo wada ganacsado, oo aan la kala qoqobin ganacsiga iyo ganacsatada. Haddii Ganacsatadan ay waayaan xuquuqdooda ganacsi waxaa buraya dhamaan heshiisyadii la wada galay, maadaama uu anfici waayey dadkii loogu talo galay inay ka faaiidaystaan. Ololeyaal ka dhan ah Kabelkan ayaa ka socda Dhanka Hargeysa, maadaama uu saameyn balaadhan ku yeelanayo xidhiidhka Beesha, Xukuumada iyo Xisbigs Kulmiye. dhawaaqii ugu dambeeyey ayaa ka soo jeeday Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Xaysimo, kuwaas oo si adag u dalbaday in caqabada laga qaado ganacsigan.
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here