Haddii la xishoon waayo waxaa imanaysa Garaadow Garaad kaa lihi ee Caliyow USP haku xiiqin ee Somaliland wax u raadso

0

Baryahan dambe waxaa Soomaalidu dhaqan ka dhigatay in markay xil ama dan gaar ah leeyihiin ay qabiil isticmaalaan oo dantooda ka dhigaan danta qabiilka. Taas waxaa ka sii daran qof intuu shiir isa too taago oranaya han siyaasadeed baan leeyahay oo is sharaxaya. Qofkaas la weydiin maayo war qof walbaa han buu leeyahaye Maxaad qaban kartaa, xagee iyo degaankee wax ka qaban kartaa, degaankee ayaad doonaysaa inaad matesho. Ilayn Siyaasadu maahan wax qof ku shaqaysto ee waa qorshe bulsho ama umad loogu adeego. Waxaa wax lalo yaabo ah sawirada kor ka muuqdaa dhamaantood waxay ka soo jeedaan degmada Buuhoodle iyo Kilinka 5 aad. Is huwanaantii qabiilka ee 25 sano ee burburka waxay keentay in qof waliba wuxuu doono iska sheegto ama iska raadsado iyadoo aan la eegin shuruudihii looga baahnaa. Qof baa muraadkiisa u isticmaalaya inuu sheegto degaamo dhan oo aanu waxba ka qaban karin oo degaan ka ahayn, waxayna noqotay caado iyo isku dayasho in hadii cirka shir lagu qabto uu qof ordayaa tago oo yiraahdo waan sharaxnahay ama han iyo damac siyaasadeed baan leeyahay, iyadoo aanu wax feker ahi la socon oo macnihiisu yahay aad wax ka heshid. Bal aan dib u qiimayno markii xilkii ay rabeen heleen waxay qabteen. Madaxweyne ku xigeen Puntland intuu Xilka hayey waxqabadkiisii wuxuu ka badin waayey Oday Adeerkiis ah, xitaa Buuhoodle oo degaankii uu ka soo jeeday ah waa gaari waayey. Haduusan Sanaag waxka qaban karin, hadaanu Sool mateli karayn, hadaana degaamada SSC iyo Puntland isku soo dhoweyn karayn, ma ahayn inuu madaxweyne ku xigeen isu sharaxo ama jagadaas doonto. Wuxuuna dhibaato u sii geystay Puntland oo uu ku noqday caqabad aan wax ay sii xumayso mooyee wax kale soo kordhinayn. Markaa han baan leeyahay maxay soo kordhisay? Cali Khaliif iyo Indhosheel oo hoosta kala shaqaynayaa 4 sano ayey ordayeen waxkasta oo loo igmaday Xuduudka etoobiya iyo waraaqo lala ordo ayey ku soo urureen. Shaqadoodii waxay noqotay inay shacabka isku diraan, hadana markii la nacay, oo waxba qaban kari waayeen iska taga garan waaye oo waxay bilaabeen inay abaabulaan USP ayey doonayaan inay 2016 ku derajo raadsadaan. Xaglotoosiye Puntland buu isku qaaday, nasiibkiisii baa qadiyey, SSC buu isku qaaday lama odhan war nin yahow carooday na dhaaf ee soo dhowow baa la yiri, hadana Khaatumo ayaa oday Cali Khaliif ka riixday, ma uu garan samir oo naso ee Hargeysa ayuu ku orday, maantana hadii Kulmiye dooran waayo waa hubaal inuu meel cusub u cararayo. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa walaalkaa haduu malab yahay mar lama wada muudsado. Dadka Sool iyo Sanaag dushii waa ka soo dhamaatay, Sanaag qof aan degaanka Sanaag ka soo jeedini kama hadli karo mana mateli doono, Soolna taladeedu waxay u taalaa dadka degaankaas ilaahay ku beeray, sidoo kale Buuhoodle iyo kilinka 5aad dadka degan baa taladeedu ka godaa. Maanta wixii ka dambeeya waa laga gudbayaa mana shaqaynayso qabiilnimo dusha iska saarani, waa in degaan lagu xisaabtama, is dulsaarnaantu waa sababta Soomaaliya u burburtay. Dadka Sool iyo Sanaagna ma ogolaanayaan in magacooda iyo degaankooda lagu sameysto USP ku meel gaar ah oo lagu derajo doonanayo. Haddii lays qaderin waayo waxaa ka dhalaysa Garaadow Garaad kaa lihi. Qofkii xishoon waayana waxaa ku filan hay sheegan. Cali Khaliif Galaydh iyo Indhosheel haddii Khaatumo eeri go’an kula degtay, waxaa la gudboon inay warqad ka qortaan Isimada oo wax ka raadsadaan jagooyinka Wasiirada Somaliland iska casileen oo aanay isku xiijin USP 2016 oo ah waxaan shaqayn doonin. Shacabka Warsangelina waxaa la gudboon inay dib u eegaan midhaha iyo cidhib dambeedka talada, hogaanka iyo la xulufowga Cali Khaliif oo maanta isugu soo ururtay Buul caws xuduudka Itoobiya.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here