Hadhaagii G11 oo Muqdisho u jooga in ay mansabyo ka helaan dawladda madaxweyne Farmaajo

0

Muqdisho- Wararka laga helayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in inta badan hadhaagii kooxdii G11 ay ayaamahanba ku suganaayeen Muqdisho iyagoo halkaas u jooga sidii ay Mansabyo Siyaasadeed iyo Maamul uga heli lahaayeen dawladda Cusub ee madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Khayre. Xilalka ay hadhaagii G11 quudaraynayaan waxa ku jira Wasiir. Safiiro, iyo Agaasimayaal guud waxaana wararku sheegayaan in ay ayaamahanba kulamo la qaadanayeen Madaxweyne Farmaajo, Raysalwasaare Khayre iyo shakhsiyaad xidhiidh dhow la leh labadan masuul. Hadhaaga kooxdan G11 waxay in badan ahaayeen hogaamiyayaashii mus-dambeedka u ahaa maamulkii Khaatumo oo Cali Khaliif Galaydh oo iyaga ka mid ahaa madaxweyne ka noqday. Kooxda G11 oo bilowgii la odhan jirey G6 hase yeeshee marba in dan laga lahaa lagu kordhinayey ayaa inbadan oo ka mid ahaa waxna dhinteen waxna isaga baxeen walow weli magacoodii la isticmaalo. Kooxdan G11 waxay in badan oo bulshada SSC ahi ku tilmaamaan in ay yihiin kuwa masuulka ka ah Fashilka iyo dhibaatooyinka gaadhay Dadka iyo Degaanadda SSC tan iyo intii ay majaraha u qabteen, dhibaatooyinkaas oo ay ka mid yihiin:- 1. Fidnadda, colaadaha,Tafaraaruqa iyo midnimo la’aanta belaha iyo shacabka SSC ka dhexdhacday kuwaas oo illaa maanta aan xal laga gaadhin. 2. Baabi’inta ururo shacbiga SSC waxtar u lahaa sida NSUM iyo SSC kuwaas oo shaqaynayey markay talada qabteen. 3. Ka dhigasho ay shacabka SSC ka dhigteen Jaranjarooyin ay Mansabyo, Dhaqaale iyo Danahooda gaarka ah ku raadsadaan. Waxayna Shacabka KHaatumo weligood xusuusan doonaan markii 2012 doorashadii Soomaaliya ee Muqdisho ka socotay gebi ahaanba loo raray maamulkii Khaatumo, iyadoo dhaqaalihii dadka reer Khaatumo xoreynta u ururiyeena kuraasi lagu raadsaday waxaana dhacdadaas dadka reer Khaatumo ku tilmaamaan bilowgii meeshii ay ka leexatay ujeedooyinkii dadka reer SSC maamulka Khaatumo ka lahaayeen. 4. Burburka iyo Tafaraaruqa ku yimid madaxda dhaqanka reer Khaatumo siiba Isimada, Cuqaasha, Siyaasiyiinta iyo dhamaanba qaybaha bulshada. 5. Masuuliyadda qabsashada 90% ay Somaliland qabsatay Dhulka reer SSC ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba. 6. Bilowga iyo suurtagelinta siyaasadda maamulkii Khaatumo loo gacan geliyey oo lagu biiriyey Somaliland, iyadoo la og yahay in shirkii ay ku qabteen Nayrobi 2016 ay ku go’aamiyeen in Somaliland lagu biiro lalana hadlo, ayna qaybgaleen ama taageereen Shirarkii Caynaba iyo Adisababa walow ay Cali Khaliif iyo kooxdiisa kala boodeen markii ay ka codsadeen in wadahadalka loo joojiyo inta la dhisayo Dawladda Federaalka Soomaaliya oo qaarkood manaasiib ka rajaynayeen. 7. Dadka SSC oo ay u shegeen markii ay ka baabi’inayeen NSUM iyo SSC in ay u dhisayaan maamul rasmiya oo aay gaar u leyihiin oo aaminsan midnimadda Soomaaliya waxay ku hogaamiyeen rabitaankoodii dhabta ahaa oo ahaa in rer SSC Somaliland la raaciyo taas oo ah Khiyaamo. Wararku waxay sheegayaan in hadhaaga kooxdan G11 ay Wasiir u wadaan Cali Ciise Cabdi iyo Cabdikariim mid ahaan iyadoo haddii wasaaraddu noqoto Maaliyadda ama wasiirka lagu daro raysal wasaare ku xigeen loo qoondeey Cali Ciise halka haddii uu noqdo Wasiir wasaarad keli ah loo qoondeeyey Cabdikariim Xasan. Xubnaha inta kale iyo taageerayaashoodana loo qoondaynayo xilalka Safiiro, iyo Agaasimayaal guud. Dr Cali Ciise Cabdi ayay dad badan oo Soomaali iyo caalamkaba ahi aaminsan yihiin in uu Soomaaliya madaxweyne iyo raysalwasaare-ba u noqon lahaa ka hor intaanu Cali Khaliif oo siyaasadda Soomaaliya ku fashilmay salaan uga dhigan kusoo noqoshadiisa siyaasadda. Warar kale ayaa sheegaya in haddii hadhaaga kooxdan G11 ay ku guuldaraystaan manaasiibta ay wakhtigan ka quudaraynayaan Soomaaliya ay u ambabixi doonaa dalka Imaaraadka carabta halkaas oo uu kaga horeeyo Garad Jaamac Garaad Cali si loo sii wado heshiiskii Soomaliland lala galay. Halkaana lagu heshiisiin doono hogaamiyihii ka hor degdegay ee Soomaliland ku biiray Cali Khaliif Galaydh, Gebagebada ku biirida Soomaliland lagaga dhawaaqi doono xaflad lagu qabanayo Tuuladda Adhicadeeye.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here