Hadii Xaglotoosiye ku guuleysto M kuxigeenimada Kulmiye xagee Cali Khaliif u qaxi doonaa

0

Xogo hoose oo isa soo taraya ayaa sheegaya in Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye uu u sharaxan yahay xilka madaxwayne ku xigeen ee xisbiga Kulmiye oo hadda tartankiisii ka socdo xisbiga dhexdiisa. Xaglotoosiye oo ka mid ah weftiga la socda Madaxweynaha Somaliland oo ku sugan UK ayaa la filayaa inuu musharaxnimadiisa ku dhawaaqo marka uu Hargeysa dib ugu laabto, iyadoo dad badani ay u dhegtaagayaan ku dhawaaqidiisa. Waxaa la filayaa inuu Xaglotoosiye uu bilaabo olole balaadhan oo uu doonayo inuu ku hantiyo Jagadan. Dhanka kale is sharaxaada iyo Guusha Xaglotoosiye ayaa waxay caqabad iyo dhabar jab ku noqonaysaa rajadii laga qabay in Oday Cali Khaliif oo Muqdisho ku soo hungoobay, shacabkii SSC na kalsoonidii kala noqdeen uu Hargeysa tago. Hadda Cali wuxuu ku dhuumalaysanayaa xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuuna fariin iyo qalqaalo u dirsaday Garaadka Guud ee Beelaha Maxamuud Barri Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, oo caqabad ku noqday qorsheyaashiisii fashilmay, inkastoo warkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in Garaadku uu diiday in laga wadahadlo wax ka baxsan nabadeynta, taasoo noqotay rajoxumo kale oo Cali soo food saartay. Cali Khaliif oo nin xukun jacayl derderay, laakiin aan nasiib iyo hoodo fiican ku lahayn, lagama yaabo in hadii uu Xaglotoosiye ku guuleysto Jagada Madaxweyne kuxigeenimada Kulmiye uu Somaliland yimaado. Waxaa xusid mudan in Cali sanadihii ugu dambeeyey uu galay orod dheer iyo marba meel isku qaad uu ku raadinayey inuu mar labaad rakaab siyaasadeed oo maqaam sare ah cagta la helo, waase ku guuldaraystay. Suaashu waxay tahay haddii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ay Xaglotoosiye doortaan, Cali Khaliif oo Xamar ka soo xirantay, Hargeysana Xaglotoosiye u fadhiyo, shacabkii SSC na kalsoonidii kala noqdeen, xagee buu u qaxi doonaa? Garoowe, Kismaayo, Baydhabo mise Maraykanka? ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here