HARGO MADHAN SIDE HAWLI KAMA TEGIN HABAARNA U DHEER

0

Wasaaradda Arimaha Guduhu waxay ka mid tahay Wasaaradaha ugu muhiimsan Xukuumadda Somaliland, waxaana lagu tilmaamaa in Wasiirka Arimaha Guduhu yahay ninka sadexaad ee Xukuumadda, waana masuul had iyo jeer looga baahan yahay Caaqilnimo, odayeyn iyo waxqabad si Amnigu u sugmo. Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland waxaa saameysay isku shaandhayntii ugu dambeysay ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo sameeyey, wuxuuna u magacaabay Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon). Inkastoo oo uu leeyahay aqoon maadiya oo ku filan, hadana dad badan ayaa Magacaabista Yaasiin Faratoon u arkay in aanu ku haboonayn Maamulka Arimaha Gudaha, iyagoo qiil ka dhiganaya arimo dhowr ah. MAXAA DHACAY INTUU MAGACOWNAA? LAASCAANOOD: Mudadii yarayd ee uu xilka hayey, Magaalada Laascaanood waxaa ka dhacay dhowr arimood oo amni daro ah oo loo tirinayey Beesha uu ka soo jeedo Wasiir Faratoon, kuwaas oo ay ugu weynayd dhacdadii 4 bishan ee sababtay dhimashada, dhaawac iyo biliqada xafiisyada Laascaanood. Faratoon oo laga sugayey sida uu wax uga qabto falkii amni daro ee degaankiisa ka dhacay, ayaa waxqabadkiisii wuxuu ku soo ururay inuu inaadeerkii oo ay qoys hoose isku yihiin u magacaabo Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Sool, taas oo ay dadka degaanku u arkaan inuu beeshiisii ku abaalmariyey rabshadii dhacay. Arintani waxay dhalisay hadal haynta ugu badan ee degaanka, iyadoo la dareensan yahay in haddii Beeshiisu ay rabshado kale sameyso uu ku abaal marin doono Badhasaabka Gobolka, waxaana durba abuurmay welwel soo wajahay masuuliyiinta xilalka ka haya Gobolka ee aan Beeshiisa ahayn. CEEL AFWEYN: Colaadii ka dhacday degaamada ka tirsan Ceel Afweyn xalinteedu waxay ahayd tijaabadii ugu horeysay ee shacabka Somaliland ka sugayey Wasiirkooda Arimaha Gudaha ee cusub. Dhowaan waxaa lagu dhawaaqay heshiis nabadgelyo oo lagu diirsaday, laakiin maalintii Jimcihii ayaa waxaa dib u bilowday ishorimaadyo kooban oo dhaliyay dhaawac, iyo dhimashada 2 qof oo loo tirinayo ciidamadii nabadgelyada ilaalinayey. Arintan oo shacabku aad uga naxay ayaa u muuqata inaan wasiirku mushkiladan foosha xun aanu siinin waqtigii, muhiimadii iyo dib u heshiisiintii ay u baahnayd, waxayna u egtahay maahmaahdii HARGO MADHAN SIDE HAWLI KAMA TEGIN HABAARNA U DHEER. MAXAMUUD GARAAD: Midnimo iyo isku duubni ka jirty Beesha Maxamuud Garaad iyo guud ahaanba dadka dega Gobolka Sool waxay ku burburtay Magacaabistiisii, kadib markii laga hungoobay kaalintii kaga aadanayd abaabulkii iyo wacyigelintii diiwaangelinta ee laga sugayey, maadaama uu ahaa masuulka ugu sareeya ee Beesha ka joogay, sidoo kale waxaa loo tirinayaa in magacaabistiisu ay sababtay shaki kala dhexgalay siyaasiyiin markii hore ka midaysnaa Diiwaangelinta iyo dib u heshiisiinta, waxayna abuurtay in Isdiiwaangelinta Gobolka uu habac iyo hoos u dhac ku yimaado. XISBIGA KULMIYE: Marka la qiimeeyo duruufo badan, doorashooyinka fooda inagu soo haya, iyo taageerada Xisbiga Kulmiye uga baahan yahay Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn waxaa muuqanaysa in taageerada uu xisbiga u soo hoyn karaa ay tahay mid xadidan, maadaama uu talaabadii ugu horeysay ee uu degaankiisii ka qaado ay noqotay inuu Inaadeerkiisi Taliye Qaybeedkii Booliiska ka dhigo, arintan waxay lumisay kalsoonidii yarayd ee ay u hayeen qaar ka mid ahi shacabka Gobolka. Isku soo wada duubo bilaha soo socda waxaa shacabka Somaliland u soo bixi doona Qiimeynta dhabta ah ee Wasiirkooda Arimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here