Wararka ka imanaya degmada Baraawe ee goboka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in haweenay uur leh ay gaajo u dhimatay halkaasi, halka dad kalena xaalad adag ay ku sugan yihiin. Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in haweenaydan ay ku dhimatay tuulada Ambareeso oo hoos timaada degmada Baraawe, iyadoo 30 qoys oo isla deegaankaas degganna ay khatar ugu jiraan xaaladdan oo kale. Haddaba xaaladdu siday tahay ayaa wariyaha VOA Maxamed Cabdi Sandheere wuxuu ka wareystay Cali Nuur Maxamed oo ah guddoomiye kuxigeenka gobolka Shabeellaha Hoose ee dhinaca amniga.]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.