HAY’ADDA CIA-DA OO BAAHISAY MACLUUMAAD LA XIRIIRA DILKII HOGGAAMIYIHII URURKA AL-QAACIDA

0

Waxyaabaha cusub waxaa ka mid ah xusuus qorkiisii u gaarka ahaa, codad iyo dukumiintiyo iyo muuqaallo, uu ka mid yahay muuqaalka arooskii wiilkiisa Xamsa. Waa markii afaraad oo CIA ay baahiso waxyaabo la xiriira Bin Ladin oo la helay intuu socday weerar lagu qaaday dhisme uu ku dhuumayay oo ku yaalla magaalada Abbottabad ee Pakistan. Qaar ka mid ah faylasha ayaa la qarinayay muddo waxaana laga baqayay in amniga Mareykanka ay wax u dhimaan, sida sirdoonka ay sheegeen. “Maanta waxaan shaacineynaa warqado, muuqaallo iyo codad iyo waxyaabo kale oo dadka Mareykanka ay fursad ugu helayaan in ay ogaadaan qorshaha iyo shaqada ururada argagixisada,” ayuu ku sheegay qoraal, agaasimaha CIA-da. Aflaan iyo filimada caruurta Sida lagu xusay qoraalka CIA-da, warqadaha waxaa ka mid ah “cadeymaha kala qeybsanaanta hadda u dhexeysa Al-Qacidda iyo ururka la baxay dowladda Islaamka” sidoo kale, “sida ay Al-Qaciida iyo xulafadeeda ugu kala duwan yihiin istiraatiijiyadda iyo arrimaha diinta.” Waxyaabaha la baahiyay, waxay sidoo kale muujinayaan in “shabakaddan argagixisada ay dadaalka gelisay sidii ay uga faa’ideysan lahayd kacdoonkii dalalka Carabta,” iyo sida ay ugu xoogga u saareen in ay “hurmariyaan muuqaalka warbaahintooda,” sida CIA-da sheegtay. Kombuyuutar la qabtay intuu howlgalka socday waxaa laga helay aflaanta Hollywood-ka, aflaanta caruurta iyo seddax barnaamij oo ku saabsan Bin Ladin. Sidoo kale, muuqaalka wiilka Bin Ladin, Xamza ayaa ka mid ah waxyaabaha la helay. Hadda waa 20 sano jir, lamana oga meesha uu ku nool yahay. Ugu dambeyn, Muuqaallo horey loo baahiyay waxay muujinayeen in Bin Ladin uu wiilkiisa u diyaarinayay in uu ka dhaxlo hoggaanka ururka Al-Qaacida.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here