HAY’ADDA XUQUUQDA AADANAHA HRW OO BAYAAN KASOO SAARTAY ARRINTII QALBI-DHAGAX

0

Hay’adda ayaa sheegtay in dhibaatooyiin ay la kulmaan qaxootiga, qaarkoodna loo gacan geliyo dowladda Itoobiya oo raadineyso dadka mucaaradka ku ah. Warka waxaa lagu xusay in dadka caanka ah ee mucaaradka ku ah Itoobiya ee loo dhiibay maamulka Addis ay ka mid yihiin kuwa haysta dhalashooyiinka dalal reer galbeed ah. Dadkaasi waxaa ku jiray nin dhalasho British haystay oo lagu qabtay Yaman iyo qof kale oo lagu qabtay South Sudan oo dhalashada Norway haystay. Sidoo kale hay’adda ayaa xustay Cabdikarim Sheekh Muse oo lagu naaneyso Qalbi Dhagax oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya. Cabdikarim wuxuu ka mid ahaa guddiga fulinta ee Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed ee ONLF, wuxuuna dhowr sano ku noolaa magaalada Muqdisho. War ONLF soo saartay xilli hore ayaa lagu sheegay in “Qoyska Cabdikarim oo dhan ay dileen ciidamada Itoobiya”. Waxay sheegtay in markii Gaalkacyo lagu qabanayay uu halkaasi ka doonay qof qaraabadiisa ah si uu Muqdisho u geeyo looguna daaweeyo. “Dowladda Soomaaliya way diiday inay booqdaan qoyskiisa xilligaas oo ay sheegeen inay sii deyn doonaan”. siday sheegtay ONLF . Hay’adda difaacdo xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa qortay in Somaliland dhankeeda ay qaxooti ku qasabtay inay Itoobiya ku noqdaan. “Siddeed ka mid ah dadkii noqday ayaa lagu jirdilay gudaha Itoobiya”, sida HRW ay sheegtay. Dowladda Soomaaliya ayaa Qalbi Dhagax ku eedeysay in uu argagixiso taageerayay, sidaa darteedna “Amniga uu halis ku ahaa”. Balse ururka uu ka tirsanaa ee ONLF ayaa beeniyay dhammaan eedahaasi, waxayna ku tilmaameen “in uu xaq u dirir ahaa” Cabdikariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax). Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaabilay mooshin ku saabsan sida loo wajahay arrinta Qalbi Dhagax, waxaana markii dambe loo saaray guddi baaritaan ku sameeya oo 15 xubnood ka kooban.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here