Heshiiska Jigjiga waa dhabarjab Somaliland u kala soocay qabaail, waa-cusubna furay

0
27 Sano ee Somaliland jirtay waxaa Beesha Caalamka iyo Soomaalidaba laga dhaadhicinayey in shacabka iyo degaamada Somaliland yihiin kuwo mida oo isku duuban, isku dhiig ah, walaalo ah, oo aan qabaail iyo wax kala soocaa jirin.

Nasiib daro dagaalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay degaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool, gurmad laàantii Xukuumadda iyo shacabka Somaliland ayaa sababay in ummadda Soomaaliyeed u soo gurmato, oo Gogoshii nabadeynta dhigto Magaalada Jigjiga, iyadoo goàanadii ka soo baxayna ay muujiyeen in Somaliland ku nool yihiin qabaail isir ahaan kala fog oo aan arxan ka dhexaynin.

Heshiisyada Jigjiga iyo Taleex waxaa ku cad in wixii dhimasho iyo dhib ah ee Beelaha Dhulbahante kala gaadhay ay bixinayaan Beelaha Daarood, taasoo meesha ka saaraysa Somalilandnimadii, walaaltinimadii iyo isku gurmadkii waqtiga adag. Waxayna furtay waacusub oo aan ka soo noqosho iyo ka wadahadal lahayn.

Waxaa ayaandaro kale ah in maalmihii ugu dambeeyey ay dhalinyaro reer Hargeysa ah oo ku ilbaxday Dawladii hore ee Madaxweyne Cabdi Ilay iyo muluqmulaqda anigaa Dhulbahante aqaan, ay la xidhiidhayeen xubno ka tirsan Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya si ergooyinkii labada Beelood Hargeysa loogu soo mariyo, arintan ayaa ah aragti gaabni, qiimeyn xumo iyo faham laàan siyaasadeed, madaama aanay jirin wax ergooyinkani uga baahan yihiin Hargeysa.

Waxaa mahadnaq Mudan Madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar iyo shacabkooda gurmadkii iyo nabadeynta ay u fidiyeen shacabka Walaalahooda ee Gobolka Sool, sidoo kale Boqor Burhaan kaalin mug leh ka qaatay nabadeynta Taleex.

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here