Hogaamiyeyaashii Ahlusunna oo isdhiibey ciidankii iyo xaruntii Inji oo lagala wareegay

0

Hogaamiyeyaashii Ahlusunna Macalin Maxamuud Sh Xassan iyo Sh. Shaakir isku dhiibey Ciidamada Dowlada Faderaalka, kadib markii ay ku shaaciyeen warsaxaafadeed ay Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha qaybta 21-aad iyo saraakiil sare oo qaybta ka tirsan ay ka soo saarey xerada Inji kadib markii ay dalbadeen in laga joojiyo xabada .

Ciidamadii iyo gaadiidkii dagaal ee Xerada ku jiray kuwaasi oo ahlusuno lahayd ayaa iyaguna si buuxda ugu wareegay dhanka Dowlada .

Hada xaalku waa degan yahay oo ma jirto wax rasaas ah oo socota xeradii inji waxaa gudaha u galay Ciidamada Haramcad iyo Gorgor.

Daawo Sh. Shaakir :

SH SHAAKIR OO KA HADLEY DAGAALKII DHUUSAMAREEB

Sheekh Shaakir " amaankeena waxaa masuul ka ah oo aan hubkeena ku wareejinay Gneraal mascuud Taliyaha Guutada 15-aad "#ILASOCO

Slået op af Abdulahi Warsame Roble i Fredag den 28. februar 2020

Daawo Macalin Maxamuud:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here