Hogaanka xisbiga ANC ee Koofur Afrika oo loogu baaqay inay is casilaan

0

Madaxa xisbiga talada haya ee dalka Koofur Afrika ayaa ugu baaqay in guud ahaanba hogaanka xisbiga ay is casilaan. Dadka loogu baaqay inay is casilaan waxaa ka mid ah madaxweynaha, Jacob Zuma. Jackson Mthembu waxa uu tallaabadaasi ku sharaxay inay tahay go’aan lagu dacweynayo wasiirka dhaqaalaha Pravin Gordhan. Waxaa lagu eedeynayaa masuqmaasuq, in uu si xun u isticmaalay awoodiisa iyo in danihiisa siyaasadeed oo kale ah uu ka shaqeeyo. Waxa uu sheegay, Jackson Mthembu, in dowladda ANC ay ka xun tahay dowladdii midab takoorka. Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, waxaa soo baxayay khilaaf ka dhex taagan xisbiga Koofur Afrika maamula ee ANC. Madaxweyne ku xigeenka, Cyril Ramaphosa, ayaa muujiyay inuu taageerayo wasiirka dhaqaalaha Mr Gordhan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here