Turkiga oo duqeeyey kaydka hubka ee PKK ee Waqooyiga Ciraaq

0

Diyaaradaha dagaalka ee dalka Turkiga ayaa duqeyn xoogan la beegsaday Sabtidii shalay qaar kamid ah xarumaha militariga iyo kaydka hubka ee Jamhada PKK ku leedahay waqooyiga dalka Ciraaq. Turkiga oo tan iyo bilowgii July waday duqeynta saldhigyada PKK ku leedahay waqooyiga Ciraaq ayaa la sheegay in duqeyntiisii shalay ay ahayd tii ugu xooga badneyd oo ay ka qeyb qaateen diyaaradaha dagaalka ee F16 iyo F-4. Wararka kasoo baxaya warbaahinta dowlada Turkiga ayaa sheegaya in ugu yaraan 55 kamid ah dagaalyahanada PKK ay ku dhinteen duqeynta oo xoogeeda lala beegsaday xarumaha hubka u yaalaan PKK iyo waliba saldhiyada laga dhexsameeyey buuraleyda Waqooyiga Ciraaq.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here