HOY-LAAWEYAASHII SSC EE 1991 HARGEYSA LAGAGA CARARAY AYAA GOLEYAASHA SOMALILAND LAGA BUUXSADAY

0
xildhibaan cabdiqaadir indho

Waxaa yabaa in Umadda Soomaaliyeed la yaaban tahay Xildhibaan ama masuul sare oo katirsan Goleyaasha Somaliland oo asal ahaan ka soo jeeda Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo af dibjir ama dhaqanka ka baxsan ku caayaya Soomaalida sida Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Xildhibaan Indho).

Sida umadda Soomaaliyeed la wada socoto shacabka Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn waa muwaadiniin daraawiish ah oo xornimada Soomaaliyeed u soo halgamay, midnimada Soomaaliweyn ka go’an tahay, markaas 1991 markii Somaliland la dhisayey waxgaradkoodii, aqoonyahankoodii iyo Bulshaduba waxay ka xishoodeen oo diideen inay qayb ka noqdaan kala qaybinta umaddii Soomaaliyeed ee Awooweyaashood iyo Aabeyaashood u soo halgameen, sidaas daraadeed waxaa goleyaashii laga buuxsaday dibjirkii hargeysa lagaga cararay iyo xubno askarta ka tirsanaa oo iyagoo qaarkood bililiqo urursanaya qabtu ugu dhacday.

Tusaale ahaan Somaliland ka hor qof nolol caadiya ku noolaa waxaa Goleyaasha ku jira Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Cade, halka Xildhibaan Cabdi Qaadir Maxamed Xasan (Indh Indho) uu ahaa Caruurtii kacaanka ku indho dilaacsatay, qaxii Gobolada Waqooyi wuxuu u qaxay Xashin, mudo markii uu joogay ayaa loo sheegay qabiilka iyo degaanka uu ka soo jeedo, dib ayuu u soo noqday, Hargeysa markii uu marayey ayuu burburkii 1991 la kulmay, mudo markii uu joogay ayaa la waayey dad degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn ka soo jeeda oo Goleyaasha Somaliland buuxiya, dabadeedna suuqa ayaa laga soo kaxeeyey, waxaana loo sheegay inuu guurti yahay, guurtinimaduna waa u dhalasho ee laguma noqdo wax qof afka ka yiraahdo.

Indho dhaqan guurti iyo mid xildhibaantoona ma leh, wuxuu ku hadlaa luqada HOYLAAWEYAASHA, tusaale ahaan labadiisii hadal ee ugu dambeeyey mid wuxuu ku caayey Madaxweynaha Soomaaliya, markuu caydii dhameystay ayuu yiri ABTI BAAN U AHAY, dhaqanka Soomaalida isma raacaan Abti baan u ahay iyo cayn, hadalkiisii ugu dambeeyey Puntland ayuu ku sheegay Kondhom, taasoo ka baxsan ansha, akhlaaqda, diinta iyo guurtinimada.

Faysal Cali Waraabe iyo Xubnaha SSC ka soo jeeda ee Goleyaasha Somaliland ku jira waxaa loo adeegsada cayda iyo Aflagaadada Soomaalida, mana metelaan degaamada ay sheegtaan, labadoodaba waxaa ka hadlisa Kalsooni daro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here