Hunguri wax kaweyn la geshaa waa dilaacaaye Somaliland Xaglotoosiye waa wanaajisay

0

(Xigasho xaysimo.com ): Tan iyo maalintii ay dhacday doorashadii madaxtinimada Xisbiga Kulmiye, hadalhaynta ugu badan ee saxaafada iyo siyaasiyiintuba ka hadlayeen waxay ahayd Xaglotoosiye iyo fartii uu Oday Siilaanyo ka taagayey, sidoo kale isdaba marin doorashadii. Si kastaba hayska ahaatee waxaa jira waxaan la qarin karin oo aan la dafiri karin. Somaliland waxay u gudubtay marxalad awooda lagula kala wareego cod (one man one Vote), Xisbi kastaana wuxuu u xaglinayaa meeshii uu cod dheeri ah ka helayo, waana mid ay ka siman yihiin 3 xisbi oo aan xisbina gaar u ahayn. Waxaa kale oo aan qarsoonayn inaan Dhulbahante u codeyn sida degaamada kale, sababta aanay u codeyn waayeena maaha mid haddii Xaglotoosiye la doorto wax iska bedelayaan. Sheegashadii uu Xaglotoosiye sheegayey hadii la doorto in degaamadaasi codeynayaana aanay waxba ka jirin oo ay ahayd balanqaad been ah oo uu ku kasbanayey Shacabka Somaliland. Hadaba Xisbiga Kulmiye waxaa hor taalay oo uu qaatay maahmaahdii ahayd “MIDHO GEED SAARAN KUWO GUNTIGA KUUGU JIRA LOOMA DAADSHO” taas oo macnaheedu yahay HADAADAN SOOL IYO SANAAG HELAYN AWDALNA HA WAAYIN. Run ahaantii shacabka Somaliland iyo Golaha dhexe ee Kulmiyeba waxay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin soo dhoweynta Beesha SSC, waxayna Xaglotoosiye ugu codeeyeen si sharaf leh oo aan ceebi ka raacin, marka loo eego nin aan taageero iyo cod ka haysan degaankiisii, iyadoo la wada ogsoon yahay in Xaglotoosiye tolkii Taleex ka soo cayriyeen markuu Somaliland yimid, haday dhab tahay oo taageerada uu sheeganayo haysto Cali Khaliif buu Taleex uga adkaan lahaa, dadka degaanka joogaana waa dadkii shalay. XAGLOTOOSIYE MAXAA LA GUDBOON? Xaglotoosiye waxaa la gudboon inuu garto sida shacabka Somaliland u sharfeen, Xubnaha golaha dhexe ee Kulmiye 114 cod u siiyeen, haduu taageero degaankiisa ka haystona waxa hubaal ah in la dooran lahaa. “Hadaad Madaxweyne ama kuxigeen doonaysid adiga ayey kugu xidhnayd oo waxay ahayd inaad degaamadaadii ka soo shaqayso doorashada ka hor. WAXAAD KELIYA OO LA TIMID HAN AAN COD IYO TAAGEERO DEGAANKII WADAN” HUNGURI WAX KA WEYN LA GESHAANA WAA DILAACAA” waxaa la gudboon inuu u abaal gudo reer Somaliland oo aani yeelin sidii Puntland iyo Taleex ka sameeyey.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here