IGAD oo Garoowe kula kulantay R/wasaaraha iyo madaxweynaha Puntland

0

Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, maanta gaaray wafti uu hogaaminayay xoghayaha urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin, waxaana wafdigaasi ka mid ahaa wakiilka IGAD u qaabilsan Somalia, iyo Safiirka Somalia u qaabilsan Kenya. Wafdigaan ayaa waxay la kulmeen Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid oo maalmahaan ku sugan Garowe iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas, kullankaasina wuxuu ahaa mid saxaafadda dibada ka joogtay. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulankaasi looga hadlay arrimaha ku saabsan nidaamka doorasho ee dalka iyo diidmada Puntland ay ka qabto qaabka soo xulista baarlamaanka ee 4.5. Kulankan oo markii uu soo dhamaaday kadib, Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu sheegay in ay ugu wada hadleen arimo ku saabsan mashaariicda hormarineed ee IGAD ka wado Puntland, dhismaha wajiga labaad ee garoonka Bosaso oo lacagtiisa ay bixinayso dowladda Talyaaniga, balse loo soo marsiiyay IGAD. Gaas ayaa sheegay in IGAD aysan Puntland u imaan arimo siyaasadeed, islamarkaan ay u yimaadeen in laga wada hadlo arimaha hormarinta iyo mashaariic ka socotay Puntland. Madaxweyne Gaas ayaa xusay in waxyaabaha ay u yimaadeen madaxda IGAD ay ka mid yihiin, Mashaariicda Kalluumaysiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo ay ugu horayso qaybta labaad ee mashruuc garoonka Bosaso, sidii ay usii amba qaadi lahaayeen, islamarkaana Puntland ay uga taageeri lahaayeen. Xoghayaha ururka goboleedka IGAD Maxmuub Macalin ayaa dhankiisa sheegay in Madaxweynaha Puntland ka wada hadleen arrimaha horumarineed ee Puntland ka socda, iyo sidii IGAD qeyb ugu qaadan laheyd samatixinta dadka abaaraha la kulmay. Maxbuub Macallin ayaa intaa raaciyay hadalkiisa in bisha afraad ay bilaabayaan dhismaha wajiga labaad ee garoonka Bosaso, oo siduu sheegay ay dowladda fadaraalku ku wareejisay fududaynta dhismaha garoonka. Waxaana ku deeqday Dowladda Talyaaniga. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here