Ilhaan Cumar oo ku guuleysatay doorashada hordhaca ah ee gobolka Minnesota

0
Ilhan omar

Ilhaan Cumar oo mar kale u tartameysa iney difaacato kursigeeda aqalka Congresska Maraykanka ayaa ku guulaysatay Codbixinadii hordhaca ahaa ee maanta ka dhacay gobolka Minnesota gaar ahaan Minneapolis

Ilhaan ayaa la saadaalinayaa inay ku guulaysan doonto sanadka labaad kursiga Congresska oo natiijadiisu soo bixi doonto 3-da November ee Sanadkan.

Waxay Xisbiga Dimuqraadiga ugu matali doonta Doorashada November ee aqalka Congresska.

Soomaalida iyo dadyowga kale ee ku nool gobolka Minesota ayaa codadka ugu badan siiyey, iyadoo ka guuleysatay dhamaan musharaxiintii la loolameysay.

Afartii sano ee lasoo dhaafay waxay Ilhaan si weyn uga dhex muuqatay siyaasadda Mareykanka, iyadoo codkeeda ku muujineysay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadaha maamulka madaxweyne Donald Trump.

HOOS KA DAALACO NATIIJADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here