Ina G CabdiQani oo Somaliland laheshiiyey Ina Garaad Cali oo Dubai kula shiray iyo wararkii Khatumo

0

Waxaa dhowaan dalka dib ugu soo laabtay wiil uu dhalay Garaad Cabdi Qani Garaad Jaamac oo la yiraahdo Raage Garaad Cabdi Qani, wuxuuna balanqaaday inuu raaci doono raadkii aabihii. Markii mudo yar uu Laascaanood joogay wuxuu soo kaxeeyey odayaashii iyo waxgaradkii Bahararsame wuxuuna heshiis la galay Somaliland, taas oo lagu cadeeyey in Somaliland iyo Baharsame ka heshiiyeen Siyaasadii oo ay ugu horeyso midnimada Somaliland. Garaad Jaamac Garaad Cali oo tan iyo maalintii la boqray ay iska soo daba dhacayeen khasaaraha, dhibta iyo furfuranka Dhulbahante ayaa daba maray oo dalka ka dhoofay isagoo aan ka hadlin arintan, waxay u muuqataa inuu la ogyahay, inuu ka soo shaqeeyo heshiiska gaarka ah ee Bahararsame Somaliland. Garaad Jaamac oo lagu caano shubay 22 May 2006, waxay isaga iyo Cali Khaliif galeen halgan dheer oo ay kula dagaalamayeen Dhulbahantaha dhexdiisa, waxayna horseedeen taloxumo taariikhda u gashay, colaad iyo qabyaalad degaanka dhexdiisa, isku soo wada duuboo waxay sababeen in Sool iyo Sanaag Somaliland maamulkeeda ku fidiso, aakhirkiina labadoodii ay xuduudka ku dhuumaleystaan. Ina Garaad Cali ayaa la sheegayaa inuu ku sugan yahay Emaaraadka Carabta, waxaana la sheegayaa inuu kulamo hoose kula leeyahay xubno ka socda Somaliland, isagoo safar qarsoodi ah ugu baxay carabta. ilaa hadala lama hayo waxa ka soo baxay wadahadalka uu Somaliland la yeeshay, laakiinse waxaa la saadaalinayaa inay la xiriirto heshiiskii Beeshiisu la gashay Somaliland oo aanu gadaal idiinka soo sheegi doono. Dhanka kale waxaa burburtay magacii Khaatumo ee Cali Khaliif tuurta ku sitay, wuxuuna wareegaleysanayaa Muqdisho, wuxuuna isku deyey inuu Beesha Warsangeli lugta ku sii marto qorshe uu doonayo inuu doorashooyinka 2016 kaga qaybgalo, laakiin waxaa la sheegayaa inuu ku guuldareystay oo ay gacmaha ka taagteen inay qayb ka noqdaan talo Cali Khaliif hogaaminayo. Warar naga soo gaadhay Xamar ayaa iyana cadeeyey in koox ay hogaaminayaan Cali Khaliif iyo Indhosheel ay xafiiska Madaxweynaha iyo kan raiisalwasaaraha geeyeen waraaqo ay ku sheegayaan in haddii Somalia degaan wax ku qaybsato, dhulbahantuhuu 3 meelood keliya wax ku qaybsan doono, aanayna degaan rabin. Wararkii ugu dambeeyeyna waxay sheegayaan in Oday Cali Khaliif uu magacaabay G10 uu hogaaminayo Indhosheel oo Buuhoodle loo soo diri doono, waxaana loogu magacdaray gudiga wacyi gelinta. Sikastaba hayska ahaatee heshiisyadan Indhola’aanta ah ayaa yimid kadib markii shacabka Sool iyo Sanaag kalsoonidii kala noqdeen Cali Khaliif Galeydh. iyagoo sii niyadjabay kadib markii ay ku guuldareysteen shirqoolo ay muqdisho ka sameeyeen oo ay iska kaashadeen HASS PETROLEUM oo fashilmay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here