ISIMADAN WAA LA DHAAFAY WAQTIGII SAWIRKOODA LAGU FARXI JIRAY, NAFTOODEY METELAAN

0

Waxaa todobaadkan websiteyada qaarkood lagu arkay Sawiro la ilaaway oo tusaya Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ku kulmay wadanka Imaaraadka Carabta. Labadan Garaad ayaa Aabe u ah burburka Beesha Dhulbahante soo gaadhay, waxayna Bulshada dhexdeeda ku reebeen xusuus iyo dareen aan fiicnayn. Beesha Dhulbahante ayaa iminka ka gudbaysa dhibtii ay u geysteen Isimadu oo mid waliba shaqsi gaar ah u shaqaynayo. Beesha Maxamuud Barri oo dhawaan shir ku yeelatay Magaalada Awrboogays ayaa go’aansatay inay danaheeda ka tasho oo aanay shaqsi dambe u daba fadhiisan, masiirkooduna maaha mid u dabran Garaad Saleebaan ama cid gaar ah. Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Saleebaan waxaa la gudboon inay gartaan in la dhaafay waqtigii la dhegaysan jiray oo sawiradooda lagu farxi jiray, kadib markii mudo dheer laga war sugayey. Haday maqan yihiina la tebi maayo, haday soo noqdaana waxaan kala qaybin iyo qof u adeeg ahayn laga sugi maayo, sidii looga bartay. Xigaasho:www.xaysimo.com
Daabicid:-Goojacade.com Laascaanod-Soomaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here