Isimmadii Dhulbahante oo lumiyey dhexdhexaadnimadii ay ballan qaadeen, iyo shirkii ay ku baaqeen oo ay iyagu gacantooda ku fashiliyeen ka hor intaanu bilaabanba!

0

Halkaan ka akhriso Waxa kaloo xusid mudan in kooxdani aanay ahayn niman cusub ee ay yihiin Jaalleyaashii Dr. Galaydh wax kasta oo Dr. Galaydh lagu eedaynayona ay qaybtooda ka ahaayeen sabab iyaga iyo Dr. Galaydh lagu kala sokaysiistaaa aanay meesha oollin. Kooxdani waxay Dr. Galaydh ka riddoobeen bishii Febraayo ee sannadkan waxaana hubaal ah inay isku qabteen dano shakhsiyadeed kaddib wadahadalladii Addis Ababa ee sannadkan bilowgiisii Waxa la isku qabtay ma rabo inaan halkan kaga hadlo laakiin bal ila eega lifaaqan si’ aad mar kale u ogaataan xidhiidha Dr. Galaydh iyo kooxdan iyo inaan la kala sokaysiin karin labada kooxood. Haddiibase ay dhacdo inay cidi sheegato wax baannu metellaa oo weliba magaca Khaatumo ayaannu metellaa waxa sheegashadaas ku habboon Dr. Galaydh sabahana lifaaqan kaga bogo Halkaan ka akhriso Intaa haddaan ka gudbo waxa shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Xamar, kooxdii G10 (Guurtida Khaatumo) iyo Isimmadii Xamar tegey qaarkood, iyo dad Xamar jooga oo ka mid ah hadhaadigii Khaatumo iyo dhawr xildhibaan oo ka tirsan dawladda Federaalka. Shirkan ujeeddadiisu waxa lagu sheegay inaan Dr. Galaydh metelin Khaatumo! Waxa aad loogu celceliyey oo sida tasbiixsigii carrabka lagu adkaynayey “dadka Khaatumo, dastuurka Khaatumo, Isimmada Khaatumo, xildhibaannada Khaatumo, khaatumo khaatumo? Waa yaabe goormay Isimmadii dhexdhexaadka sheeganyey qayb ka noqdeen garabkan Khaatumada ah? Hore waxaynu u ogayn in Isimmadu caddeeyeen inaan lagu midaysnayn Khaatumo oo magacani ka mid yahay calaamadaha siyaasadeed ee dadku ku kala fogaadey, inaan Puntland lagu midaysnayn oo lagu kala fogaaday, inaan Somaliland lagu midaysnayn oo lagu kala fogaaday. Waxay isimmadu horay u sheegeen sannad ka hor (dhegeyso muuqaalka kore) in loo baahan yahay in la isu yimaaddo hab beeleed oo cid walba oo mabaadiida siyaasadeed ee kala geddisan aamminsan iyo kaan mabda siyaasadeed aamminsanaynba loo baahan yahay in la isu yimaaddo oo laga wada hadlo lana mideeyo fikir kala duwanaanshaha. Wixii shalay dhacay waxay ka turjumayeen wax ka geddisan wixii Isimmada laga filayey. Isimmadii waxay doorteen inay laba kooxood oo Khaatumo ka wada tirsan ay la kala saftaan. Halkan ka fiiri shirkii Xamar https://youtu.be/VbrmMXcZeow Gebagebo Hadalka Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe ee baaqii Isimada ee Dhummay sannad ka hor waxa ka mid ah Isimmadu waa “MARJAC WAA DHEXDHEXAAD” Isimmadii waxay lumiyeen dhexdhexaadnimadii, waxay dhaawaceen midnimadii ay ku baaqeen, waxay buriyeen hadafkii ay dadka u sheegeen maalmo kooban ka hor markay Xamar yimaaddeen, waxay ka soke dhaceen meeshii laga filayey. Natiijadii Xamar ka soo baxday waxay noqotay iyadoo aan weli la arag madaxdii Dawladda Federaalka ee la rabey in loola tago fikir midaysan in xitaa Xildhibaannadii Xamar joogey ay kala qaybsamaan, Isimmadii Xamar tegey kala qaybsamaan iyo in hammigii midnimada laga qabey iyo in shirkii ay Isimmadu ku baaqeen in lagu la isugu yimaaddo Buuhoodle ay Isimmadii laftoodii gacantooda ku burburiyaan. Natiijadan Xamar waxay sii dhaawacday midnimadii laga dhursugayey inay ka dhalan doonto shirka Buuhoodle. Tanina waxay sii kordhinaysaa in dadka degaannada SSC iyagoo aan midaysnayn inay habqan ku galaan Somaliland. There only one winner in this endeavour, and that is the Somaliland administration! ILAAHAAN QABNAA! Maxamuud Ibrahim (Xaaji) NB:-Faaladan kama Masuul ahaa Mareegta Goojacade.com Waxaa Cileedada Leh Qoraaga ku Saxeexan. Goojacade.com Muqdisho-Soomaaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here