ISIS oo qoorta ka goysay 15 jir dhageystay heesaha Reer Galbeedka

0

Kooxda ISIS ayaa si fudud qoorta ugu goysay wiil 15 sano jir ah, kadib markii lagu soo helay inuu dhageystay heesaha reer galbeedka, gaar ahaan kuwa Mareykanka. Xukunkaan adag ayaa ka dhacay magaalada Mosul ee dalka Iraq, waxaana wiilkaan oo lagu magacaabo Ayham Hussein lagu hor dilay boqolaal dadweyne ah oo kasoo qeybgalay in ay daawadaan xukunkaan cusub. Aabaha dhalay Ayham Hussein, oo lagu magacaabo Hussein ayaa sheegay in lagu soo wareejiyay meydka wiilkiisa oo qoorta iyo qeybta danbe jirkiisa kala go’an. Ayham Hussein ayaa laga qabtay dukaan raashinka lagu iibiyo oo aabahiis uu ku leeyahay galbeedka Masul. waxaana falkaan si xun ugu naxay dadka deegaanka. Ma jirto xukun rasmi ah oo shareecadda Islaamka ah oo lagu fuliyo dadka dhageysta muusikada, marka laga reebo in ay tahay karaahi.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here