ISKA HADLOW CALI KHALIIF oo Somaliland ugu hanjabay inaan doorasho ka dhacayn Sool iyo Sanaag

0

Cali Khaliif Galeydh oo ah nin iskii isku boqray oo sheegta Madaxweynaha Khaatumo, ayaa Somaliland ugu hanjabay in aanay Sool, Sanaag iyo Cayn doorasho ka dhacayn. Cali Khaliif ayaa 4 sano ee ugu dambeeyeyba Somaliland marba meel ka caydhsanaysay, ayaa hadana intaas hanjabayey. Cali Khaliif ayaa caydhsigiisa iyo cararkiisa laga soo bilaabay Degmada Taleex waxaana lagu geeyey xuduudka Itoobiya. Habar baa tiri “ISKA HADLOW INA IGARE” hadda waxaa soo baxay ISKA HADLOW CALI KHALIIF, dadka Sool iyo Sanaag iyo isimadooda ayey u taalaa inay codeeyaan, diidaan ama dagaalamaan, maaha wax Cali Khaliif oo berito carari doona uu wax ka bedeli karo ama mar dambe loo daba fadhiisan doono, kalsoonidiina waa kala noqdeen, mana metelo, hadalkiisuna wax ka soo qaad ma leh oo waa nin aan dad iyo degaantoona haysan oo Saxaafada ka qayliya. DAAWO CALI: https://youtu.be/LHnS5SY3txk]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here