ISXAMBAARKA SSC IYO TAAGEERAYAASHA MUUSE BIIXI OO ISU BAHAYSANAYA CABLE-KA LAASCAANOOD

0

Magaalada Hargeysa isniinta ayaa la filayaa inay shir isugu yimaadaan qaar ka mid ah Isxambaarka iyo Qoraxjoogta ka soo jeeda degaamada SSC iyo Ooorweynta Beesha Musharaxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, gaar ahaan kuwooda musdambeedka u ah. Kulanka ayaa la sheegay in lagaga arinsanayo sidii laysaga kaashan lahaa Xoogeynta Xayiraada lagu hayo Ganacsato Reer SSC ah oo loo diiday inay Cable Internetka Magaalada soo geliyaan. Isxambaarka Qoraxjoogta ayaan ka hadlin danaha degaankooda, laakiin loo isticmaalo inay cidii ka hadasha danta degaanka Telifishinada ka yiraahdaan Hebel nama metelo, sidoo kale waxay ka qayb qaataan dhibaataynta iyo khasaaraynta Ganacsatada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. Maaha wax cusub hab dhaqanka Isxambaarka iyo Qoraxjoogta Hargeysa ku sugan, laakiin waxaa shacab SSC filanwaa ku noqday inay MUSHARAX MUUSE BIIXI CABDI ka waayaan dhexdhexaadnimadii iyo kaalintii ay ka sugayeen, isagoo ugu muuqda inuu si aan kala hadh lahayn ula saftay SOMCABLE oo uu leeyahay ganacsade ay aad isugu dhow yihiin oo ah ninka uu u xaniban yahay CABLE LAASCAANOD. Cuqaal iyo waxgaradka ayaa arintan kala hadlay Muuse Biixi iyo Maxamuud Xaashi, waxayse ku dhamaatay natiijo la’aan. Arintan ayaa ah mid MUUSE BIIXI UU KU WAAYAYO TAAGEERADII UU DEGAAMADAAS KA FILAYEY, waxaana suurtogal ah in dhowaan ay ka soo baxaan baaqyo iyo banaanbaxyo lagu diidan yahay. Cable keliya maaha ee waxaa isna sidoo kale caqabado iyo caga-juglay la kulmay GANACSADE MAXAMED JABUUTAAWI OO LASCAANOOD KA WADA MASHRUUC UU MAGAALADA UGU SAMEYNAYO KORONTO JABAN OO NADIIF AH, ISAGOO KA FAAIIDAYNAYA TAMARTA CADCEEDA. Ganacsatada ee Reer SSC ayaa dalbanaya tartan ganacsi oo xor iyo xalaal ah, waxayna u arkaan in SOMCABLE ay xaq u leedahay in Cable-keedu Yoocada gaadho, halka kooduna LOWYACADE. Goojacade.com Email:-Goojacadewebsite@gmail.com

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here