ISXAMBAARKU WELIGIISBA WAA JOOGAY EE HESHIISYADII IYO WADAHADALADII MAXAA LAGA FAAIIDAY?

0

 
 
 
 
 
Beryahan dambe waxaa isa soo taraysay in Musharaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro uu banayn doono jagada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, iyadoo dadka badankiisu isku raacsan yihiin in kursigaas la siiyo xubin ka soo jeeda Gobolada SSC, taas waxaa iyana dhinac socotay Musharaxiin doonaya inay Gudoomiye noqdaan Cirro dabadii. Xildhibaanada Degaamada SSC ka soo jeeda waxaa ugu hadal hayn badan labo Xildhibaan oo mid walba leeyahay Anigaa Madaxtooyada layga jecel yahay oo lay wataa, wixii lay dirona sii hagar la’aan ah ayaan u fulinayaa, kuwaas oo kala ah Baashe Maxamed Cadde iyo Saleebaan Yuusuf Cali. Labadan Xildhibaan Isxambaar waxay ka mid yihiin kuwa ugu waxtarka yar, islamarkaana ugu dhibaatada badan degaamada ay ka soo jeedaan. Baashe Maxamed Cade raadinta Isxambaarka waxaa la sheegaa inay kaga baxay 100 dollar oo uu ku soo isticmaalay safarkii uu Somaliland ku soo aaday, halka Saleebaan Yuusuf oo markii hore muraadsi u tegay Hargeysa uu ficilo badan kadib ku guulaystay inuu Isxambaarka ka mid noqdo, labadooda midkoodna uma sameysna inuu Gole Baarlamaan hogaamiyo. HADABA mar haddii Somaliland wixii soo baxaba ay Isxambaarkeedii iyo horgaladeedii ku buuxsanayso maxaa laga faaiidayaa Heshiisyadii lala galay iyo wadahadalada ay khaatumo kula jirto? Waxaa Xusid mudan in koox yar oo isku magacowday Beesha Maxamuud Garaad ay mar Somaliland ka dalbadeen in heshiisyadii AWRBOOGAYS IYO ADHICADEEYE la fuliyo, markii dambena CABLE KA SHIRKADA GOLIS, ugu dambeysayna in INA YUUSUF gudoomiye looga dhigo, taasoo muujisay in aanay deganayn, wixii guudna loo bedelay in marba qof dantiisa gaarka ah loo isticmaalo, halka Cali Khaliifna uu sidii faraskii Sayidka ee DHUUB HOWLE marba meel diyaarad u qaadanayey ilaa hadana aanay ka soo bixin qodob qudha oo la fahmi karo, waxayna u muuqataa in kooxdiisu noqonayso tii ugu xumayd ee Somaliland heshiis la gasha. MIYAANAY XUMAY AHAYN IN DEGAAMADA SSC LOO CIMAAMADO INA MAXAMED CADDE AMA INA YUUSUF. Xigaasho:Www.xaysimo.com
Goojacade.com Laascaanod-Soomaliya
Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here