Itoobiya oo lagu eedeeyay inay qaadeyso tallaabooyin qallafsan

0

Wakaaladda wararka AFP ayaa ku waramaysa in diblomaasi reer galbeed ah uu inuu filayo in Itoobiya ay qaadayso “talaabooyin qallafsan” ka dib markii ay ka mamnuucday diblomaasiyiinta ajaanibta ka ahi in aanay dhaafin 40 Km oo caasimadda Addis Ababa agagaarkeeda ah sababtana ay ku sheegtay “nabadgalyadooda darteed” Diblomaasiga oo dalbaday in aan magaciisa la shaacin ayaa AFP u sheegay “in arrintu tahay xaalad degdeg ah isla markaana ay filayaan tallaabooyin qallafsan, laakiin waxa kale oo aan filaynay in mucaaradka loo ogolaado afkaar siyaasadeed sidii uu madaxweynuhu ka hor sheegay baarlamanka, laakiin waxa muuqata in aan arrintaasi suurto galayn” Itoobiya oo ah dal ay gacan saar xoog leh leeyihiin quwadaha galbeedka ayaa xaaladdan degdegga ah ku soo rogtay dalka ka dib markii ay bilaabmeen dibad baxyadu ugu xumaa ee lagaga horyimaad dowladda ilaa intii ay awooda la wareegtay 1991. Mucaaradka ayaa ku eedeegay dowladda inay caburinayso oo ay ka duudsiyayso xorriyaddooda siyaasadeed. Dowladdu way beenisay eedaymaha waxayna sheegtay in “cadawga dibadda” ee jooga Eritrea iyo Masar ay hurinayaan qalalaasaha ay boqolaalka qof ku dhinteen ee socday ilaa Noofember 2015.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here