Itoobiya: Somaliland iyo Puntland waxaan u aqoonsannahay inay hoostagaan Soomaaliya

0
ethiopian fa

Itoobiya ayaa ka hadashay qoraal lagu arkay bogga intarnet-ka ee wasaaraddeeda arrimaha dibedda, kaas oo Somaliland iyo Puntland lagu daray liiska dalalka ay matalaad diblumaasiyadeed ku leeyihiin.

Itoobiya waxay sheegtay inay aqoonsan tahay madaxbanaanida Soomaaliya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Nebiyat Getachew, ayaa BBC u sheegay in “Puntland iyo Somaliland ay u aqoosan yihiin in ay hoostagaan dowladda federaalka ee Soomaaliya”.

“Waxaan safaarad ku leenahay Muqdisho. Somaliland iyo Puntland waxaan ku leenahay xarumo diblumaasiaydeed”, ayuu sheegay afhayeenka.

“Boggeena arrimo badan ayaa ka muuqdo waana eegeynaa”, ayuu hadalkiisa ku daray.

Dadbadan weli waxay xasuustaan khariidaddii Itoobiya ee Soomaaliya meesha ka saartay, balse markale Soomaalida isticmaasha baraha bulshada ayaa ka careysan qoraal kale oo kasoo muuqday bogga wasaarradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Barta rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa dal ahaan u diiwaan galisay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbabbaanida ee Somaliland.

Wasaaradda oo taxaysa dalalka ay xarumaha dublamaasiyadeed ku leedahay ayaa dal ahaan u diiwaan galisay, Somaliland iyo waliba Puntland.

Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse aqoonsi caalami ah wali ma helin.

Maamulka Addis Ababa ayaa markastaa xiriir dhow la lahaa dhammaan madaxdii soo martay Soomaaliya tan iyo burburkii, waxayna sidoo kale martigelisay kulamo badan oo u jeedadiisu ahayd nabadeynta Soomaaliya.

Tan iyo markii isbedelka uu ka dhacay dalka Itoobiya ee xilka uu qabtay Abey Axmed, waxaa soo hagaagayay xiriirka siyaasadeed ee labada dal.

Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa horey u sheegtay “in ay ka faa’ideyso isbedelka siyaasadda ee geeska Afrika”.

Dadka arrimaha siyaasadda iyo diblumaasiyadda ka faallooda waxay aaminsan yihihiin in arrintan ay muddo soo jiitameysay.

Yusuf Garaad oo ahaan jiray Wasiirka arrimaha dibadda ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in “dowladda Soomaaliya aysan ka aamusin arrintan”.

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @ygaraad

Yusuf Garaad@ygaraad

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia dalalka ay ku leedahay ergo diblomaasiyadeed waxay ku dartay Puntland, Somaliland iyo Soomaaliya.
Dowladdeennu ma aha in ay u aammusto sidii ay u aammustay markii Ethiopia iyo #Somalia ay isku dartyay Addis Ababa.http://www.mfa.gov.et/home/Missions 34310:31 PM – May 28, 2019Twitter Ads info and privacy226 people are talking about this

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @ygaraad

Cabdiraxmaan Ceynta oo asna wasiir ka soo noqday dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa sidan ku xusay bartiisa:

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @Aynte

Abdi Aynte@Aynte

Wagar! Haddii ay cudur daar ka bixisay khariidaddii dhul ballaarsiga aheyd, kuna sifeysay “khalad dhacay” tanina maxay noqon doontaa tolow? Hubaal waxaa ah inaysan il-duuf aheyne waxaa jira dhaqan taban oo si qoto dheer u dafirsan midnimada & madax bannaanida gayiga Soomaalida.Yusuf Garaad@ygaraadWasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia dalalka ay ku leedahay ergo diblomaasiyadeed waxay ku dartay Puntland, Somaliland iyo Soomaaliya.
Dowladdeennu ma aha in ay u aammusto sidii ay u aammustay markii Ethiopia iyo #Somalia ay isku dartyay Addis Ababa.http://www.mfa.gov.et/home/Missions 
13810:48 PM – May 28, 2019Twitter Ads info and privacy100 people are talking about this

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @Aynte

Danjire Ciid Bedel oo ahaan jiray safiirka Soomaaliya u fadhiya qaramada Midoobay oo dhowaan la hadlay BBC-da ayaa sheegay, “Siyaasaddan waa siyaasad ka horeysay Dr Abiy Axmed. Siyaasaddan waxaa dajisay dowladdi Meles Zenawi. Siyaasaddeedi ku wajahnayd Soomaaliyana waxay ahayd iney Soomaaliya kala qaybiso, inteeda badanan Itoobiya lagu daro, inta soo hartana ama Kenya lagu daro ama wixii kale ee laga sameyn karo laga sameeyo.”

Todobaadkan horraantiisii ayay ahayd markii ay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya raaligalinta ka bixisay khariidadda ay daabacday.

“Run ahaantii waxaan aad uga xunnahay jahwareerka iyo faham la’aanta ka dhashay dhacdadaas” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda.

Khariidaddaas hore ayaa meesha ka saaraysay Soomaaliya, balse waxaa la soo reebay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here