Jaahwareer ka taagan Taliska Booliiska Puntland[Warbixin]

0

Arrintan ayaa u muuqatay in saraakiisha ammaanka ay ku jaah wareersanyihiin shaqooyinkooda iyo sida sharcigu ugu kala xadaynayo howlaha loo igmaday, xilli ay bar-bar socoto in Madaxweynaha Puntland uu soo kordhiyay jagooyin cusub oo aan horay uga jirin taliska ciidanka Booliiska Puntland. Sidoo kale saraakiisha Booliiska ayaa midba mid kale u arkaa inuu xafiiska ku joogo digreeto Madaxweyne ama mid taliye Booliis, taasoo keentay inay sameeyaan amar diidooyin waqtiyada shaqada laga fariisiyo ama xilka laga qaado. Sannadkii hore ayay ahayd markii taliye Booliis ay isku faro saareen magaalada Bosaso taasoo keentay inuu dhaawacmo Wasiirkii hore amniga Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab. Falkaas waxaa jagooyinkoodii ku waayay Taliyihii booliiska Puntland ee waqtigaas Cabdirasaaq Afgaduud iyo taliyihii ciidanka Birmad ee Kornel Afdalow oo ahaa saraakiisha gacan ka hadalku dhexmaray. Madaxweyne Gaas ayaa horay wacad ugu maray inuu tayayn doono ciidamada Booliiska.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here