Jaaliyadaha SSC ee Dalka Belgium oo kulan ku yeeshay Magaalada Antwerpen

0

Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 14/11/2015 shir ka dhacay magaalada antwerpen ee dalka Belgium, shirkaasoo kusaabsanaa horumarinta deegaanada SSC shirkaa Waxaa kasoo qayb galay dhammaan bulshada qaybaheeda kala Duwan sida odayaasha, dhalinyarada, haweenka iwm. Qado sharafeed kadib waxaa bilaabmay shirweynihii lagaga arinsanayey arimaha kor kuxusan ugu horeyn waxaa xidhiidhiyaha shirku (Mohamoud Abdi Warsame) kusoo dhoweeyey shiikh ka mida shuyuukhda dalka si uu ugu furo quraanka kariimka ah wuxuuna ku dheeraaday dhibta ay leedahay xaasidnimada iyo munaafaqadu, wuxuuna shiikhu sheegay inuu ehulu naar yahay qofka xasda shiqsi wax u qabanaya dadka jilicsan sida agoomaha iyo naafada waxa kaloo uu sheegay qofka qof xumaanto ku raaca isagoo aan war ahayn waxna ogayn uu lamid yahay DAYUUS wacdi iyo waano kadib waxaa hadalka la wareegay Guddoomiyaha horumarinta Hay’adda SV-CIBI (Sh. Ahmed Awed Abbase). Guddoomiyaha ayaa halkaa kusoo bandhigay report ama document ka war bixinaya horumarin la,aanta ka jirta deegaanada SSC, wax yaalaha soo jiitay dadka dareenkooda waxaa kamid ahaa agoomaha, naafada iyo bukaanka ku tabaalaysan dhulka gudihiisa waxa kale oo xusay xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada waxaana uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey 3 qodob oo kala ah: 1. In Hay’adda uu madaxda u yahay wixii karaankeeda wax ka qabaniso sida ugu dhakhsiiyaha badan. 2. In si buuxda loo taageero Hay’adda SV-CIBO.BE haday tahay muruq iyo maalba. 3. In la adkeeyo midnimada jaaliyada meelna looga soo wada jeesto xasadka iyo xasarada ma dhalayska ah. Waxaa kale oo halkaa ka hadlay Daahir Ahmed liqe oo ku hadlay afka odayaasha wuxuuna soo dhoweeyey wixii madasha lagusoo bandhigay wuxuu kaloo afka ku dhuftay haduu geelu dareero inaan laga waayin hal leexata oo halowda iyo mid hadhaa noqota. Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Agaasimaha jaaliyada Belgium, khasnajiga jaaliyada Belgium Ahmed Awil Ateye iyo Ganacsade Abdi rashiid Diriye Jama (jaafjaaf). Waxaa iyana warbixino laga dhegaystay Ibrahim Sa’eed Asayr (ibro) iyo Hinda Noor oo u hadashay haween waynihii meesha fadhiyey waxayna meesha kaga dhawaaqday in si buuxda haweenku u taageersan yahay madasha wax qabadka, waxayna u mahadcelisay Guddoomiye Sh.Ahmed Awed iyo saraakiisha la shaqaysa. Ugu dambayn waxaa hadalka lagusoo dhoweeyey Yusuf Garaad saleebaan wuxuuna halkaa kasoo jeediyey talooyin wax ku ool ah oo dhinacyo badan taabanaya, wuxuuna si buuxda u taageeray madasha horumarinta, waxaana halkaa shahaado sharafeed lagu gudoonsiiyey loona mahadceliyey dadkii sida aadka u shaqeeyey, waana kuwan magacyadoodu hoos ku qoran yihiin. 1. Mohamed Hassan TALEEXI 2. Mohamoud Hussein Ali(Gaas) 3. Awil Faanto (Boqorka) 4. Abdi kareem qoordheere 5. Fu’aad Ismail Ibrahim 6. Halyeey sa’eed warsame Du’ale 7. Nasro Ismail Ibrahim Waxaa iyana loo mahadceliyey akhyaartii gobolada fog ka timi iyo intii gacan ka geysatay waxaana ay kusoo idlaatay jawi farxad leh iyadoo lagu ballamay in shir bille ah la qabto fadhigana laga kaco. [gallery columns="4" td_gallery_title_input="Jaaliyadaha SSC Belgium" ids="4158,4159,4160,4161,4162"]]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here