Jaaliyadaha SSC ee UAE oo mahadnaq u diray R.Wasaare Cumar, Safiirka iyo Qunsulka

0

Jaaliyadaha SSC ee Wadanka Imaaraadka Carabta ayaa mahadnaq balaaran u diray Raiisalwasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid, Safiirka Somalia C/qaadir Shiikheey iyo Qunsulka Somaliya Ahmed Daahir u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta. Sidoo kale waxaa mahadnaq loo jeediyey Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia Mahamuud Ahmed Osman Al xamaadi iyo Abaabulihii hawshan oo ka soo jeeda degaanka SSC Maxamud Axmed Xasan (dhagawayne). Jaaliyadaha ayaa masuuliyiintan uga mahadnaqay sidii fiicnayd ee ay isaga xilsaareen Caafimaadka Garaadka Guud ee Sool iyo Sanaag, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo iminka baadhis caafimaad ku jooga dalka Imaaraadka. “Waxaana si kal iyo laab ah ugu mahadnaqaynaa Raiisalwasaaraha Dawlada Federalka Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke, Safiirka iyo Qunsulka dalka, oo xilweyn iska saaran Caafimaadka Garaadka. Shacabka SSC ma ilaawi doono waana xusuusnaan doonaan qaybka ay masuuliyiintani ka qaateen waxqabadka Caafimaadka Garaadka oo hada soo fiicnaanaya, abaalbaanuna ugu hayn doonaa” ayuu yiri Axmed Yuusuf Garaad. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here