Jabhadda Midnimo oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Ciidamada Somaliland ee ku sugan degaamadda SSC

0

JABHADDA WADANIGA EE MIDNIMADA SOMALIA (MIDNIMO) Tar: 9/10/2015 Ujeedo: Bayaan Dagaal oo ka dhan ah Ciidamadda SNM ee ku sugan degaamada SSC. Jabhadda Midnimo waxay aaminsan tahay in midnimada Soomaaliya ay lama taabtaan iyo waxaan gorgortan geli karin ay tahay. Jabhadda Midnimo waxay Ciidamada Somaliland ee ku sugan degaamada SSC ka aaminsan tahay inay yihiin dad ku soo duulay shacab islaam ah oo meel degan sidaas darteed ay banaan tahay in layska celiyo. Jabhadda Midnimo waxay aaminsan tahay in Maamulka Somaliland uu ka shaqaynayo tafaraaruq iyo kala qaybin dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, islamarkaana isku diin, af iyo midabka ah. Jabhadda Midnimo waxay tixgelisay inta jeer ee shacabka Goboladda SSC ay abhiyeen maamulka iyo Ciidamada Somaliland, kuwaas oo dhegaha ka furaystay inay degaamadoodii dib ugu laabtaan shacabkana dibta ka dulqaadaan. Jabhadda Midnimo waxay tixgelin weyn siinaysaa rabitaanka shacabka SSC oo ay aaminsan yihiin midnimadda Somaliweyn. Jabhadda Midnimo waxay dib u eegtay isku dayo badan oo laysku dayey sameynta Maamulo dib u xoreeya degaanadda oo fashil ku dambeeyey, islamarkaana ay weli taagan tahay baahidii shacabka SSC. Sidaasdaraadeed waxaan goaansanay inaan dagaal hubaysan la galo ciidamada iyo Maamulka Somaliland ee ku sugan Goboladda SSC ilaa aan ka xoreynayno, kana saarayno degaamada SSC.

Hawgallada aan fulinay:
Maalintii Sabtida Taariikhdu ahayd 19/09/2015, labadii iyo 25 daqiiqo ee hiirta waaberi ayaa Guutada Shahiid Axmed Raan oo ka tirsan dagaalyahanka Jabhadda Wadaniga ee Midnimada Somalia (Midnimo) waxay weerkii kowaad si kedis ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Somaliland ku leeyihiin Degmada Xuddun, waxayna u gaysteen khasaaaro dhimasho iyo dhaawacba leh. Weerarkii labaad waxaa fulisey Guuta Shahiid Ciise Kediye habeenimadii Khamiista taariikhduna ahayd 8/10/2015 weerarkaas oo ay guutadu argagixisey saldhigga ciidamada laga soo diray Hargaysa ay ku leeyihiin deegaanka Gambadhe, dagaalkaas oo khasaare loogu geystey. Dagaalkan xaq u dirirka ah ma aha mid kooban oo hakad gelaya, waa dagaal hadii Alle idmo aan kala go’ yeelan doonin ilaa inta ciidamada xaqdarada ku haysta degaanada iyo degmooyinka Beesha SSC ay shuruud la’aan uga baxayaan. Dagaalada ay fulinayso JWMS (Midnimo) ma noqonayo mid ku eg deegaanka Xuddun iyo Gambadhe, balse waa dagaal joogto ah oo ka hirgeli doona dhammaan deegaanada beesha SSC, laguna ugaadhsanayo ciidamada maamulka Hargaysa meel kasta iyo goob kasta ay ka deggan yihiin Goboladda SSC. Waxaan mar labaad maamulka Somaliland ugu baaqaynaa inay Ciidamadooda kala baxaan degaanada SSC, haddii ay ka bixi waayaana ay ogaadaan in dhiigoodu uu xalaal noo yahay. Libdhi maysid Laascaanood Guushu waa inaga idanka ilaahay Jabhadda Wadaniga ah ee Midnimada Somalia (Midnimo)]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here