Jadwaalka Doorashada Madaxweynaha oo Maanta Loo Gudbinaayo Barlamaanka Galmudug

0

Waxaa Maanta La Filaaya in Barlamaanka Galmudug  Loo Gudbiyo Jadwaalka Doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi  oo Dhaaceysa Badhtaamaha Bisha April  sida Guddiga doorashooyinku sheegen. Xildhibaan xasan Cali Dhuux  oo ka Mid ah xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in Maanta loo Gudbinaayo Jadwaalki Doorashada  Madaxweynaha Galmudug iyo sida ay uu dhaceyso. Guddiga  Doorashada Galmudug ayaa sheegay in wax weliba oo looga Baahanyahay Doorashada ay ku wareejin doonan xildhibaanada Barlamaanka ,Si Doorashadu ay uu dhacdo wakhtigeeda. Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in Ay Meel wanaagsan maareyso Shaqaada doorashada Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug. ”Maanta oo Sabti Ah waxa uu Guddiga doorashadu Noo Keeni Doona Jadwaalka Doorashada Madaxweynaha,Ka dib Saxaafada ayaa loo soo Bandhigi Doona ,shaqaada doorashaduna si wacan ayey uu socota ”ayuu yiri Xildhibaan Dhuux. Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa dhici Doonta Badhtamaha Bishaan April ,iyadoo Muraashixin badan xilkaasi doonayso.   Goojacade.com Muqdisho-Soomaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here