Jamaal Maxamed Jaamac Cashuur oo loo magacaabay Xoghayaha Golaha Wasiirada Somaliland

0

Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa lagu magacaabay Xoghayaha Golaha Wasiirada Somaliland, iyadoo loo magacaabay Jamaal Maxamed Jaamac Cashuur. Jamaal oo ka soo jeeda degaamada Sool iyo Sanaag ayaa ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga qayb qaatay abaabulkii iyo qabsoomidii Shirarkii Awrboogeys iyo Adhicadeeye, sidoo kalena hirgelintii isdiiwaangelinta doorashooyinka Somaliland ee ka dhacday Gobolka Sool. Mudane Jamaal Cashuur ayaa leh deganaansho iyo aqoon uu ku wadi karo jagadan loo magacaabay. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here